Something went wrong with the connection!

Somaale.com

11 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

11 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

May 05
01:15 2013

Inta la og yahay 11 qof ayaa ku dhimatay qarax iyo is-rasaaseyn xigtay oo saaka ka dhacday isgoyska ‘KM 4’ ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu waday qof isa soo miidaamiyay lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Afar gaari ayaa ku burburay qaraxa oo mid ka mid ah uu lahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, balse wasiirka xilligaas ma uusan saarneyn gaariga.

Qaraxa ayaa imaanaya iyadoo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo lagu adkeynayo ammaanka ka wadeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Kooxda al-Shabaab ayaa loo maleynayaa inay ka dambeyso qaraxa, walow aysan ilaa hadda jirin cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii sagaal ka tirsan maleeshiyada al-Shabaab oo ku lebisan dareeska ciidanka booliska ay weerareen dhismaha maxkamadda Muqdisho, iyagoo dilay 10 ka tirsan ciidanka ammaanka qaranka ka hor inta aaneyn gudaha u gelin dhismaha.

Bishii March qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay Muqdisho ayaa dilay 10 qof, kooxda al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

In kastoo awooddeeda la wiiqay, kooxda al-Shabaab waxay weli weerarro ka geysataa gudaha Muqdisho.

Dowladda cusub ee Soomaaliya waxay sheegtaa inay ku daddaaleyso dib u dhiska ciidankeeda iyo booliska kaddib 22 sano oo dalku uu ku jiray fawdo iyo dagaal.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT