Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Abuu Mansuur Al Amrki oo lagu xiray xabsi weyn oo ku yaala magaalada Qoryooley

Abuu Mansuur Al Amrki oo lagu xiray xabsi weyn oo ku yaala magaalada Qoryooley

Abuu Mansuur Al Amrki oo  lagu xiray xabsi weyn oo ku yaala magaalada Qoryooley
March 19
11:15 2012

shabaab3

Kooxda Al Shabaab ayaa xabsi dhigtay Abuu Mansur Alamriki Kadib markii uu dhawaan Youtube soo dhigay Video uu kaga cabanayo cabsi soo foodsaartay islamrkaasna ah in ay Rag ka tirsan Kooxda qaacidada Soomaaliya doonayaan inay si gaadmo ah u dilaan.

Ilo muhiim ah ayaa xaqiijiyay in lagu xiray xabsi weyn oo ku yaala magaalada Qoryooley ee gobalka Sh/hoose, halkasoo la sheegay in xabsigaasi ay maamulaan Maleeshiyaadka Shabaab, koley eysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Al shabab oo ku aadan arintaan

Abuu Mansuur Al Amrki ayaa dhowaan Video uu iska duubay waxaa uu ku baahiyay barta Youtube-ka kaas oo uu ku sheegay in uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Al shabab uuna ka baqaayo in la dilo, iyaguna sheegeen inuu bad iyo barwaaqo qabo.

Xog kale oo aan helnay ayaa wax ay sheegeysaa in looga Shaki Qabo Abuu Mansuur Al-imriiki inuu kamid ahaa (ama kamid yahay) Ciidamada Sirdoonka Mareykanka taasina ay keentay in uu beegsado Ibraahim Afgaan maadaama lagu arkayay isagoo Mobillo kale kula hadlaaya dad Ajaaniib ah.

Cumar Xamam oo loo yaqaano Abu Mansour Al-Amriki oo ay iska dhaleen Aabo Syrian ah iyo Hooyo Maraykan ah, ayaa la sheegay in loogu tagay isagoo la jooga Xaaskiisa iyo Caruurtiisa magaalada Marko ee gobalka Sh/hoose halkaasna laga soo jeebeebyay

Al-Amriiki waxa uu kamid yahay Ajaaniib farabadan oo si Sharci darro ah kusoo gashay Wadanka islamarkaasna si toos ah uga qeybqaadatay banneysashada Dhiigga Islaamka iyo sidoo kale boobka loo geyso hantida ay leeyihiin Dadka Soomaaliyeed.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT