Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Afaafka hore ee Dekeda Muqdisho oo caawa fiidkii Iska hor imaad ka dhacay ay labo askari ku dhinteen

Afaafka hore ee Dekeda Muqdisho oo caawa fiidkii Iska hor imaad ka dhacay ay labo askari ku dhinteen

October 06
11:09 2014

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo isugu jiray Nabadsugid iyo Boolis ayaa caawa fiidkii ka dhacay afaafka hore ee Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho, iyadoo iska hor imaadka ay ku dhinteen labo askari.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu ka dambeeyay markii labada ciidan uu soo kala dhex galay muran la xiriiray dhinaca lacagta ah, waxaana kadib bilowday is rasaaseyn.

Mid ka mid ah askarta ku geeriyooday iska hor imaad ayaa ahaa askari ka mid ahaa ciidamada booliska ee ilaaliya Albaabka Dekeda.

Is rasaaseynta oo muddo socotay ayaa laga maqlayay qeybo ka mid ah magaalada, waxaana ay hakad gelisay dhaq dhaqaaqii ka socday gudaha Dekeda iyo nawaaxigeeda, sidoo kale gawaaridii xamuulka siday ayaa iyana ka soo bixi waayay gudaha.

Saraakiil ka tirsan hey’adaha ammaanka dowladda ayaa markii dambe soo kala dhex galay ciidamada dagaalamay, kuwaasoo ku guuleystay inay xabada joojiyaan.

Dekeda weyn ee Muqdisho ayaa dhowaan lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana wareejintaas ka dhashay muran weyn oo keenay in muruq-maalkii Dekeda ay qaarkood shaqo joojin sameeyeen, kadib markii loo diiday shaqadii ay ka hayeen dekeda.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT