Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Afhayeenka maleeshiyada Al Shabaab Cali Max’ud Raage Walaalka Jihaadka Muqdisho waxa uu ku lahaa horumar wayn,

Afhayeenka maleeshiyada Al Shabaab Cali Max’ud Raage Walaalka Jihaadka Muqdisho waxa uu ku lahaa horumar wayn,

Afhayeenka maleeshiyada  Al Shabaab  Cali Max’ud Raage  Walaalka Jihaadka Muqdisho waxa uu ku lahaa horumar wayn,
January 21
19:03 2012

 

Afhayeenka maleeshiyada  Al Shabaab  Cali Max’ud Raage (Cali dheere) oo saxaafadda shir jaraa’id u qbatay ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay duqeymo dhinaca cirka ah oo uu sheegay in maanta lagu dilay mid ka mid ah hogaamiyahoodu ajinabiga ah

Cali Max’ud Raage (Cali dheere) ayaa waxa uu sheegay in maanta abaaro sideedii saac ay diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn duqeyn ay la dhacday Bilaal Al-barjaawi oo ahaa dagalyahan u dhashay wadanka Lubnaan islamarkaana haystay dhalasho Ingiriis ah xilli uu ku sugnaa nawaaxiga Isbitaalka Xayaat ee duleedka Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in aan la’ogayn halka laga leeyahay diyaaradahaasi hase ahaatee duqeymahaasi lagu yaqaano sida uu hadalka u dhigay dowladda Maraykanka ah.

 Walaalku Somaliya waxa uu ku sugnaa laga soo bilaabo xilligii Maxaakiinta, Walaalku da’diisu wuxu ku jiray sanadka dambeeya oo 20 iyo 30,  inta u dhaxaysa ayaa cimrigiisu ahaa” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Al  Sheekh Cali Max’ud Raage Cali dheere.

Ugu dambeyn Cali dheeri ayaa waxaa uu sheegay in Umadaha Islaamka gaar ahaan kuwa Soomaaliya ay ugu tacsiyadeynayaan geerida ku timid Bilaal Al-barjaawe, isagoo xusay in marna aysan ka hakan doonin dagaalada islamarkaana ay u aargugi doonaan sida uu hadalka u dhigay.

 

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT