Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Al-bashiir Ciidamada AMISOM xaq uma leh inay hogaamiyaan howlgallada ka socda dalka Soomaaliya,

Al-bashiir Ciidamada AMISOM xaq uma leh inay hogaamiyaan howlgallada ka socda dalka Soomaaliya,

November 17
23:43 2011

Madaxweynaha dowladda Sudan ayaa waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay diyaar u tahay in dowladda KMG Soomaaliya ay u dhisto Ciidan awood leh oo difaaca dalka Soomaaliya.

Cumar Xasan Al-bashiir, Madaxweynaha Sudan ayaa shir uu la qaatay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in muhiimadda koowad ay siinayaan dhisamaha Ciidan Soomaaliyeed oo uu sheegay inay soo celinayaan sharafta iyo haybadii lagu yaqaanay dalka Soomaaliya.

Al-bashiir ayaa tilmaamay in Ciidamada AMISOM aysan xaq u laheyn inay hogaamiyaan howlgallada ka socda dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in taasi ay xaq u leeyihiin Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in Ciidamada ay dhisayaan ay waxbadan ka qaban doonaan xaaladaha Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa wata ayaa waxaa uu ugu baaqay Ciidamada dowladda ay joojiyaan boobka ay ku hayaan dadka barakacayasha ah taasi oo uu tilmaamay inay tahay wax laga xumaado, wuxuuna tibaaxay in dadka barakacayasha ah ay ka saacidi doonaan dhinaca cunnada, gar-gaarka bini’aadanimo, dadaalna ay ku bixin doonan sidii loo maalgalin lahaa dadkaasi.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Sudan looga baahanyahay inay dib usoo celiso xiriirki iyo wada shaqayntii ay la laheyd dowladda KMG Soomaaliya si labada dowladood ay isaga kaashadaan danahooda gaarka ah.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT