Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Al Shabaab iyo Ciidamada Doowlada oo ku Dagaalay Beydhabo

Al Shabaab iyo Ciidamada Doowlada oo ku Dagaalay Beydhabo

March 21
00:57 2012

Iska horimaadkaani ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia ay ku leeyihiin Suuqa Badarka Xaafadda Isha ee Magaalada Baydhabo.

 

Ciidamada DKMG iyo kuwa Al Shabaab ayaa isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in qasaaro uu soo kala gaaray dhinacyadaasi sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.

 

Taliyaha Saldhigga ee Magaalada Baydhabo Aadan Axmed Cumar (Aadan Biit) oo la hadlay saxaafada ayaa waxa uu xaqiijiyay in weerarkaasi uu jiro islamarkaana ay kusoo qaadeen ciidamo ka tirsan Kooxda Al Shabaab, hase ahaatee ay qasaaro xoogan gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay.

 

Dhinaca kale wax war ah kama soo bixin Saraakiisha Ciidamada Al Shabaab ee horboodaysay dagaalkaasi, saakay Ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia ay howlgallo ka wadaan Xaafadaha Magaaladaasi islamarkaana ay baadi goob ku hayaan dadka ka dambeeya weerarkaasi.

 

Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa gacanta ku haya DKMG ah waxaana mararka qaar ka dhaca dagaalo iyo duqeymo u dhaxeeya Ciidamada DKMG iyo kuwa Al Shabaab maadaama gacan ku haynta Magaaladaasi ay isku hayaan dhinacyadaasi.

 

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT