Warning: Illegal string offset 'let_facebook_pick_pic' in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/plugins/sharepress/sharepress.php on line 807

Warning: Illegal string offset 'let_facebook_pick_pic' in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/plugins/sharepress/sharepress.php on line 810
Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Al Shabaab oo dad ku xir xiray Baydhabo

Al Shabaab oo dad ku xir xiray Baydhabo

Al Shabaab oo dad ku xir xiray Baydhabo
November 03
18:28 2011

Baydhabo : Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa maanta howl ay maanta ka sameeyeen magaalada Baydhabo waxa ay ku qabteen dad lagu eedeynayo inay faafiyeen warar ku saabsan Al Shabaab.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Maamulka Al Shabaab ee degmadaasi howlgallo ay ka sameeyen Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaasi ay kusoo qab qabteen dad ay sheegeen inay uga shaki san yihiin inay faafiyeen warar ku aadan in diyaarado laga leeyahay dalka Eretria oo hub u sida Al Shabaab ay ka dageen garoonka Magaalada Baydhabo.

Ciidamada Al Shabaab ayaa la tilmaamay in howlgalladoodu ay kusoo qab qabteen ilaa 10-ruux oo sida ay sheegayaan dadka deegaanka la dhigay Xabsiga Magaalada Baydhabo, iyadoo inta badan dadkaasi laga soo qab qabtay nawaaxiga Airpoorka iyo qaar ka mid ah Xaafaha ku yaalla Magaaladaasi.

Warkaani oo Shaballe ay kasoo xigatay dad ku dhaqan Magaalada Baydhabo islamarkaana diiday in magacoodu iyo codkoodu loo adeegsado Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in arintaani ay qal qal ka muujiyeen dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ee ku aadan dadkaani maanta ay kasoo qab qabteen Xaafaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo balse dhawaan ayay aheyd markii Xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ay shaaca ka qaadeen in Garoonka Magaalada Baydhabo ay ka dageen diyaarado laga leeyahay dalka Eretria oo saanado Milatri usiday Xarakada Al Shabaab.


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT