Al-Shabaabka Deegaanka Lafoole oo sheegay inay Muslimiyeen Askari Itoobiyaan ah oo dhawaan isa soo dhiibay (Daawo sawirada)
Al-Shabaabka Deegaanka Lafoole oo sheegay inay Muslimiyeen Askari Itoobiyaan ah oo dhawaan isa soo dhiibay (Daawo sawirada) |
Maamula Xarakada Alshabaab ee deegaanada loo barakacay ayaa towxiidka u qabtay askari Itoobiyaan ah kaasoo dhawaan isku soo dhiibay maamulka alashabaab ee Gobolada Bay iyo Bakool xili dagaalo ay halkaasi ka socdeen.
Askariga Itoobiyaanka oo la sheegay inuu iskis isku soo dhiibay ayaa madaxda alshabaab ee Lafoole waxaa ay ku soo bandhigeen deegaankaasi masaajid ku yaal halkaasi oo lagu islaamiyay askarigii Itoobiyaanka ahaa loona bixiyay magaca Cabdalah.
Kumanaan qof ayaa ka soo qeybgalay munasabad ka dhacday gudaha Masaajidka Abu Cumar Al-Baqdadi iyo fagaaraha isgoyska Ceelasha Biyaha kuwaasi oo daawanaya Askariga Itoobiyaanka ah ee shalay galab kalimadda towxiidka loo qabtay sidaasina ku islaamay.
Askarigan oo labisnaa dareeska lagu yaqaano Ciidamada Itoobiya isla markaana sitay qorigii Sham Shuutarka ee uu la soo baxsaday ayaa gudaha masjidka ku islaamay waxaana uu qiray Kalimadda Towxiidka isagoona sidaasi ku noqday qof Muslim ah oo walaal la ah dhamaan dadka Islaamka ah .
Dhinaca kale Waa markii ugu hreysay ee askari Itoobiyaan ah oo isku soo dhiibay dagaalyahada Alshabaab ee hadana meel fagaare ah lagu islaamiyo xili uu wato dareyska ciidamada Itoobiyaanka lagu yaqaan iyo qoreyga ay caanka ku yihiin ee saamshuuterka ah.
Maxamuud Axmed Xasan
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment