Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Askari Jabuutiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Beledweyne

Askari Jabuutiyaan ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Beledweyne

December 08
07:48 2013

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in askari Jabuutiyaan ah oo ka tirsanaa ciidamada Midowga Afrika uu ku dhintay magaalada Beledweyne, labo kalena ay ku dhaawacantay qarax ka dhashay burburinta walxaha qarxa.

War-saxafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in saddex askari ay ku dhaawacantay qaraxa iyadoo mid ka mid ah uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Askarta ayaa ka tirsan kooxda miino-saarista ee ciidanka Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Qaraxa ayaa wuxuu dhacay maalintii Jimcaha.

Madaxa Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa uga tacsiyeeyay ciidanka Jabuuti ee jooga Soomaaliya iyo dadka Jabuuti geerida ku timid askariga, wuxuuna askarta dhaawacantay u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.qarax somaale

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT