Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Axmed Maxamed (Madoobe)“ Howlgal aan dhiig ku daadan ayaan ku qabanaynaa Xagar, Jilib, Bu’aale, Buula Xaaji ilaa Kismaayo".

Axmed Maxamed (Madoobe)“ Howlgal aan dhiig ku daadan ayaan ku qabanaynaa Xagar, Jilib, Bu’aale, Buula Xaaji ilaa Kismaayo".

July 02
23:49 2012

Guddoomiyaha Ururka Raaskambooni Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Raaskambooni iyo Kenya ay ka go’an tahay la wareegitaanka Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay iminka gacanta ku hayaan Xarakada Al Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa waxa uu sheegay in howlgal aan dhiig ku daadan ay kula wareegi doonaan Magaalada Kismaayo, maadaama uu tibaaxay inay is barteen Ciidamada Raaskambooni iyo kuwa Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu soo hadal qaaday shir ka socda Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kaasi oo looga hadlayay in Maamul loo sameeyo gobolada Jubbooyinka, isagoo xusay in markii Al Shabaab laga saaro gobolka loo baahan yahay in uusan galin dhibaato kale oo hor leh, wax walibana lagu xaliyo wada hadal.

Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxa uu ka warbixiyay howlgallo shalay ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya kusoo furteen shaqaale Ajinabi ah oo laga soo afduubay Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxa uu sheegay in howlgalka uu ahaa mid ballaaran oo ay qasaaro ku gaarsiiyeen kooxihii afduubtay Ajaaniibtaasi oo uu tibaaxay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al Shabaab.

Jubooyinka waxaa ka dhaca dagaalo iyo duqeymo xooggan oo dhex mara Ciidamada Dowladda KMG ah, Raaskamoobi, Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT