Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Baarlamaan Mise Dal Dumiyiyaal,

Baarlamaan Mise Dal Dumiyiyaal,

December 16
04:04 2011

Maanta waxa ay soomaaliya mareysaa xiligii ugu darnaa abid taariikhda inta la xasuusanyahay hadii ay ahaan laheeyd dhinaca nolosha Siyaasada dhaqaalaha Caafimaadka iyo guud ahaan dhan walba soomaaliya dhinaca waxaa ka soo weraray Kenya dhinacna itoobiya hore waxaa ugu jiray Burundi iyo Uganda,

nolosha qofka soomaaliga ah ha joogo gudaha ama dibada waa mid aad cariiri u ah oo runtii aan laga sheekeeyn karin 4 milyan oo qof ayaa gaajo u dhimanaya 3 milyana wadanka waa ka qaxeen iyaga oo daadsan meelo kalla duwan isla markaasna ku qabo nolol xumo iyo daryeel la’aan

Soomaalida wadanka joogta waxaa ku socoda dagaal aan joogsi laheeyn isla markaasna ma heli karaan nolol maalmeedkooda oo waxa ay wada kulansadeen col iyo abaar iyadoo aysan ilaa iyo hada muuqan qaabkii ay uga bixi lahaayeen

baarlamaanku marna kama hadlo dhibaatada heeysata dadka soomaaliyeed iskaba daayoo in ay gacan ka geeystaane waxa ay mar walba hakad galiyaan hoowlaha caalamku ka wado soomaaliya duulaanka hada wadanaka ku socda iyagu marna kama hadal dhibaatada abaareed ee dalka ka jirtana gacan kama geeysan

wadamada ku soo duulay soomaliya baarlamanadooda aya au fasaxay in ay galaan soomaaliya laakiin baarlamaanka soomaaliya waa lax dhukani abaar moog isaga shqadiisa maaha danta dalk aiyo dadka soomaaliyeed iyagaa is heeysta is dagaala hadba hoteel jiifa yeey u yihiin mudanayaal ma dalka io dadka mise waa koox danahooda kaliya ka fakara

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT