Baarlamaanka oo joojiyay qaadashada kaararka aqoonsiga
Xildhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku yeeshay fadhigii 8-aad ee kalfadhiga afaraad, ayaa waxa ay ka soo saareen qaraar lagu joojinaayo qaadashada kaararka aqoonsiga dalka.
Xildhibaannada oo ka dooday qodobkan shalay iyo maanta ayaa isku raacay in shacabka ay dhib ku qabaan qaadashada kaararka aqoonsiga.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha baarlamanka, Mahada Cabdalla Cawad oo shir guddoominayay kulankii maanta oo ay ka qeyb-galeen 154 xildhibaan, ayaa bixinta kaararka aqoonsiga.
Xildhibaannada ayaa isku raacay in shacabka ay dalban karaan baasaboorka iyadoo aanan lagu qasbeyn qaadashada karaka aqoonsiga dalka.
Bilihii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka socday bixinta kararka aqoonsiga oo dadka ay dhibaato badan ku qabeen maadaama loo sheegay in karaka la’aantiis aanan baasaboor la dalban karin.
Barxada Maxamuud Xarbi iyo Wabi Shabeele waxaa habeen walba lagu qaban Jiray Ciyaaro Hido iyo Dhaqan ah hada amuurtaas ayaa dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho