Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Su’aalo Weydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Su’aalo Weydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Su’aalo Weydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda.
August 13
14:25 2017

Kulankii 14aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka oo maanta ay ku yeesheen Xubnaha Baarlamaanka Xarunta Golaha Shacabka  ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa  su’aalo lagu weydiinayay Wasirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf  Garaad Cumar .

Fadhiga oo ay soo xaadireen 139  Xubnood  ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka , waxaana xubnaha Baarlamaanka  inta badan Su’aalo ay ka weydiinayeen Wasiirka Arrimo ay ka mid yihiin Maxaabiista  Soomaaliyeed ee ku xiran Dalalka Caalamka.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa wax ka weydiinayay qaabka ay u shaqeyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo inta Xarumood ay ku leedahay Soomaaliya dalka Dibaddiisa.

Yuusuf Garaad Cumar oo la weydiiyay in Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda  in aan loo marin hanaanka 4.5 ayaa ku war celiyay in Dastuurku uu qorayo in Wasaaradda laga shaqaaleysiiyo Qof Soomali ah balse aan loo kala sifeyn heybtiisa shaqsi ahaan.

Gabagabadii Kulanka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka ayaa uga  Mahad celiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ka jawaabista u yeerista Xubnaha Baarlamaanka isagoo Golaha Wasiirada kula taliyay in ay ka fa’ideystaan Talooyinka ka imaanaya Wakiilada Shacabka.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT