Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Baro Abtirsiinyaha Shariifka ah ee Nabi Muxammad (S.C.W.)

Baro Abtirsiinyaha Shariifka ah ee Nabi Muxammad (S.C.W.)

Baro Abtirsiinyaha Shariifka ah ee Nabi Muxammad (S.C.W.)
January 10
02:29 2012

Abtirsiinyaha Shariifka ah ee Nabi Muxammad (S.C.W.)

Magaciisu waa Muxammad, bin Cabdullaahi, bin Cabdul Mudhalib, bin Haashim, bin Cabdu Manaaf, bin Qusayy, bin Kilaab, bin Murrah, bin Kacb, bin Luwayy, bin Ghalib, bin Fihr, bin Maalik, bin Nadr, bin Kinaanah, bin Khuzaymah, bin Mudrikah, bin Ilyaas, bin Mudar, bin Nizaar, bin Macaddah, bin Cadnaan.

Abtirsiinyahay kor ku qoran ee Sayyidkeenna Muxammad (S.C.W.) inuu run ahaantii sidaas yahay way isku waafaqsanyihiin dadka cilmiga abtirsiinyaha ku xeel dheer. Dadkaas cilmiga abtirsiinyaha ku xeel dheeri waxay isku khilaafsan yihiin abtirsiinyahay Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) marka laga bilaabo Cadnaan ilaa laga gaarsiiyo Nabi Ismaaciil, oo ah ina Nabi Ibraahiim.

Waxayse dhammaantood isku waafaqsan yihiin inuu abtirsiinyihiisu (S.C.W.) uu galo Nabi Ismaaciil, ina Nabi Ibraahiim, kulligood Naxariistii Ilaahay korkooda ha ahaatee. Imaam Maalik, Allaha Raalli ka noqdee, wuu kahday in abtirisiinyaha Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) Nabi Aadan la gaarsiiyo, sababtoo ah ayadoo uusan abtirsiinyahasu sugnayn. Waxaa Cabdullaahi bin Cabbaas, Allah ka wada raalli noqdee, laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) markii abtirsiinyihiisa kariimka ah Cadnaan la gaarsiiyey uu yiri:

“Meesha ayada ah (Cadnaan) marka laga bilaabo, dadka abtirsiinyaha ku xeel dheer been ayey sheegeen”.

Dadka abtirsiinyaha ku xeel dheer waxay isku raacsanyihiin in Mudar, oo ah awoowah 17 e Nabi Muxammad (S.C.W.) iyo Rabiicah ay yihiin ilmihii Nabi Ismaaciil, Caleyhi Assalaam. Waxa hubaal ah in nasabka Nabi Muxammad (S.C.W.) ee kor ku qoran uu yahay nasabka ugu sharaf badan inta Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, khalqi uu abuuray. Waxaa Cabbaas, Nabiga adeerkiis, Allaha raalli ka noqdee, laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) uu yiri:

“Ilaahay khalqiga ayuu abuuray, wuxuuna iga mid dhigay kuwa ugu khayr badan. Markaas ayuu qabaa’ilka kala doortay, markaas ayuu iga mid dhigay qabiilka ugu khayr badan. Markaas ayuu Guryihii kala doortay, oo iga dhaliyey Gurigii ugu khayr badnaa. Marka anigu waxaan ahay nafsaddii ugu khayr badnayd iyo Gurigii ugu kahayr badnaa”.

Saxaabiga Waathilah bin Al Asqac wuxuu wariyay in Rasuulka Ilaahay (S.C.W.) uu yiri:

“Ilaahay wuxuu ubadka Ibraahiim ka doortay Ismaaciil; ubadka Ismaaciilna wuxuu ka doortay ilmihii Kanaanah; ilmihii Kanaanah wuxuu ka doortay Qureysh; Qureysh dhexdeedana wuxuu ka doortay ilmihii Haashim; ilmihii Haashim dhexdoodana aniga ayuu iga doortay”.

Awoowayaalkiis (S.C.W.)

Cadnaan

Magaca Cadnaan waxaa laga soo qaatay erayga Cadan, oo macneheedu yahay “meel lagu nagaado, oo lagu waaroh” sida Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, Quraanka Kariimka ah ugu yiri: “Jannaatu Cadnin”, oo macneheedu yahay: Jannooyin dhexdooda lagu waaroh.

Macaddah

Magaca Macaddah wuxuu ka soo askumay ficilka ah: Tamaccada, oo macnihiisu af Soomaali ku yahay adkaaday, adeygiisu batay. Macaddah wuxuu ahaa nin xarbi iyo weerarro badan, uu kula dagaallamayo ubadkii Nabi Ismaaciil. Lama arag dagaal uu galo oo uusan guusha qaadannin. Macadda waa awoowaha Carabta, oo asaga ayey ku abtirsadaan.

Nizaar

Magaca Nizaar wuxuu ka yimid nizaarah, macneheeduna yahay: tiro yar oo aan badnayn, naadir ah. Nizaar wuxuu ahaa kan ugu qurxoon dadka zamankiisa, uguna caqli raajixsan.

Mudar

Magaca macnihiisu waxaa weeye: cad ama saafi. Eraygu wuxuu ka yimid mudaar, oo ah caanaha garoorka ah: allabanul mudaar. Mudar wuxuu ahaa nin qurux badan, lamana arag qof arkay oo aan jecleysan. Xikmooyinka ka haray waxaa ka mid ah hadalkiisii ahaa: “Khayr kan ugu khayr badan waa midka deg deg loo sameeyo. Sidaas daraadeed nafafyaalkiinna ku xambaara waxyaalka ay kahaneyso, kana leexiya hawooyinkooda fasaadinay. Suubanaanta, saalixnimada iyo fasaadka uma dhexeeyo waxaan ahayn sabir la sabro inta u dhexeysa laba jeer oo xoolaha la maalo”.

Mudar wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey oo geela u heesa, oo heesiddiisaas ku hoggaamiya oo ku wada. Waxaan ognahay inuu geelu jecelyahay in loo heeso, oo qofkii u heesa uu u hoggaansamo oo uu oggolaado. Mudar wuxuu ka mid ahaa dadka aad u cod qurxoon.

Ilyaas

Asalka magacaan waa la isku khilaafsan yahay. Dadka qaarkood waxay yiraahdeen asalkiisu waa Yaais, oo macnihiisu yahay midkii quustay oo aan rajo lahayn. Dad sidaas qaba waxay leeyihiin sababta magacaas loogu bixiyey waxaa weeye ayadoo uu dhashay kaddib markii aabihii duqoobay, oo uu ilmo ka rajo beelay. Markaas asalka magacu wuxuu nooqonayaa: Al Yaa’is, oo ah midkii quustay.

Qaar kale waxay leeyihiin asalka magacu ma aha Al Yaa’is, halkaasoo alifku kor dhaban yahay, ee waa Ilyaas, oo alifku hoos dhaban yahay: markaas macnihii hore meesha waa ka baxayaa. Ilayaas wuxuu carabta dhexdeeda ka ahaa sida Luqmaan Al Xakiim uu dadkiisa dhexdiisa ka ahaa. Xikmooyinka Ilayaas waxaa ka mid ahaa: “Qofkii khayr abuurta farax ayuu goostaa; qof shar abuura shallayto ayuu goostaa”

Mudrikah

Waxaa la yiri Mudrikah magaciisu wuxuu ahaa Caamir, waxaana koofaartaas u bixiyey aabihiis, markii uu geeloodii, oo asaga iyo walaalkiis ilaalinayeen inta la dhacay uu ka daba tegey oo uu soo celiyey: Mudrikah macneheedu waxaa weeye “kii gaaray oo soo dhiciyey”.

Khuzaymah

Khuzaymah hooyadiis waxay ka dhalatay reer Qudaacah, waxayna dhashay asaga iyo wiil kale. Khuzaymah wuxuu lahaa afar caruur ah, oo midkood Kanaanah ahaa. Khuzaymaha wuxuu dhalay afar wiil: Kinaanah, Asad, Asada iyo Al Hun.

Kanaanah

Kanaanah wuxuu dhalay afar wiil: Al Nadr, Maalik, Abdul Manat iyo Milkaan.

Al Nadr

Magacaan macnihiisu waxaa weeye: dahabka guduudan.

Maalik

Maalik hooyadiis waxaa la oran jirey Caatikah bintu Cadwaan bin Camru bin Qays bin Ciilaan

Fihr

Fihr waxaa afka carabiga lagu yiraahdaa dhagaxa gacanta buuxiya, ama dhagax gacan muggeed ah. Fihr waa odayga uu qabiilka ka korreysa, ama ka horreysey waxaa la oran jirey Kinaaniyiin, oo Qureysh lama oran jirin. Fihr magaciisu wuxuu ahaa Qureysh, wuxuuna ahaa nin kariim ah oo deeqsi ah. Wuxuu baari jirey xaajooyinka dadku leeyihiin, markaas ayuu muraadkooda u fulin jirey, asagoo maalkiisa ka bixin jirey. Fihr waa awoowaha lixaad ee asxaabiga la yiraahdo Abii Cubeydah bin Al Jarraax.

Ghaalib

Fihr wuxuu dhalay Ghaalib, Muhaarib, Xarith iyo Asad. Hooyadood waxaa la oran jiray Laylah bintu Sacad bin Huthayl bin Mudrikah.

Luwayy

Waxaa la yiri asalka magacu waa Lu’ay, oo macnihiisu yahay dibi duureed, oo si magacaas loo qurxiyo la soo yareeyey. Wuxuu kaloo asalku ahaan karaa La’ay oo la yareeyey, macnihiisuna yahay aayar.

Kacb

Kacb waa isla markaas awoowaha sideedaad ee Cumar bin Khadhaab, Allaha raalli ka noqdee. Kacb wuxuu qawmkiisa kulmin jirey maalinta Caruubada oo ah maalinta Raxmada, taasoo ah maalinta jimcada, markaasuu wacthin jirey, oo xusuusin jirey soo diridda Ilaahay soo diri doono Nabigeenna, (S.C.W.). Wuxuu dadkiisa u sheegi jirey inuu Nabigaasu wiilashiisa ka mid ahaan doono, wuxuuna fari jirey inay rumeeyaan oo raacaan.

Murrah

Murrah waa awoowaha lixaad ee Rasuulka Ilaahay (S.C.W.). Isla markaasna waa awoowaha lixaad ee Abii Bakar Al Siddiiq, Allaha raalli ka noqdee. Waxaa kaleeto oo Murrah ku kulma nasabka Imaam Maalik iyo nasabka Rasuulka Ilaahay (S.C.W.).

Kilaab

Magaciisu wuxuu ahaa Xakiim. Waxaa kaleeto oo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Curwah. Waxaa neenaasta ah Kilaabi loogu bixiyeye asagoo aad eeyaha ugu ugaarsan jirey. Kilaabi waa isla markaas awoowaha saddexaad ee Aamina, Nabiga (S.C.W.) hooyadiis. Markaas Kilaabi waa awoowaha ay ku Kulmaan abtirsiinyaha aabihiis iyo midka hooyadiis (S.C.W.). Waxaa la yiri inuu Kilaabi ahaa qofkii bilaha sanadka u bixiyey magacdooda carbeed oo maanta loo yaqaan, sida Muharram, Safar, iwm.

Qusayy

Magaciisu wuxuu ahaa, ayaa la yiri, Zayd. Waxaa kaleeto oo la yiri magaciisu wuxuu ahaa Mujammac. Qusayy wuxuu dhashay qiyaas 400 sano markii ay taariikhda miilaadigu ahayd. Mujammac macnihiisu waxaa weeye: Kulmiye, waxaana loogu bixiyey asagoo, Ilaahay Subxaanahu wa Tacaalaa idinkiisa, qaabaa’ilka kala duwan ee Qureysh Makkah ku kulmiyey, kaddib markay kala tageen, oo dhulka ku faafeen. Markaas ayuu waadiyada Makkah djiyey; qaarkood buuraha dushooda ayey degeen, qaar kalena godadka buuraha ku yaal. Qusayy deegaankii ayuu u qaybiyey iyo degmooyinkii, markaas ayaa KUlmiye loo bixiyey. Hawshaasu waxay ahayd mid qiime weyn leh, uusanna qaban karin qof aan fiiro dheer iyo qiime sare lahayn. Qusayy wuxuu ahaa qofkii shidah, markii ugu horreysey, dabka Muzdalifah: dabkaas waxa loo shidi jirey si uu u arko dadka Carafo ka soo noqda. Wuxu kaleeto oo ahaa kii ugu horreeyey ee cusbooneysiiya dhismaha kacbada ee Qureysh ka mid ah, Nabi Ibraahiim, Caleyhissalaatu Wassalaam, bacdigiis.

Waxaa la sheegay in sababta Qusayy loogu neenaasay ay ahayd asagoo ka tegey oo ka fogaaday ehelkiisii iyo dalkiisii, kaddib markii inta aabijhiis dhintay, hooyadiis guursatay ninka la yiraahdo Rabiicah bin Xuraam, au u guureen dhulka Shaam.

Waqtigii jaahilijyada Qusayy waxaa gacantiisa ku jirtey, oo uu xilkeeda hayey arrinmaha soo socda:

1. Furaha Kacbada. 2.Waraabinta xujeyda: wuxuu dadka xajka gudanaya waraabin jirey biyo macaan oo uu Makkah dibaddeeda ka keeni jirey. Intuu timir iyo zabiib u miiroh, ayuu siin jirey. 3.Xujeyda cunto siin tooda, shaqadaasoo lagu magacaabi jirey Rifaadah, oo ah in xujeyda oo dhan cunno la siiyo maalmaha xajka. Dadkaas waxaa la siin jirey muufo kulul oo subag la mariyey. Xilalkaas waraabinta iyo cunto siinta dadka xajka gudanaya waa jiri jirey tan iyo ayaamihii khaliifiinta iyo Boqorrada Dawladaha islaamka. Sababta uu Qusayy dadkas soo xajiyey cuntada iyo biyaha u siin jirey waxay ahayd asagoo ictiqaadsan inay martidiisa ahaayeen. 4. Goynta talada: Golaha odayaasha, ama Golaha Shuuradu waxay ku shiri jireen gurigiisa, talana meel aan halkaas ahayn laguma goyn jirin. Go’aannada dagaalka meel aan gurigiisa ahayn laguma gaari jirin, nikaaxna meel aan isaga ahayn laguma xiri jirin. Gurigiisu wuxuu u dhigmay naadiga ay carabtu sameysato, wuxuuna ahaa meesha ay ula soo ordaan dhibaatooyinkooda guud ee bulsheed iyo kuwooda gaar ahaaneedba.

Waqtiyadii ugu dambeysey noloshiisa, wuxuu wiilashiisa ka maamnuucay khamrada, ayadoo aad moodid inuu dareemay dhibaatooyinkeeda, markaasna uu ka reebay kuwii uu dadka ugu jeclaa, oo ahaa ubadkiisa. Qusayy wuxuu dhintay sanadkii 480, asagoo 80 sano cimrigiisu gaaray. Hadalladiisii muujinayey balaarka caqligiisa waxaa ka mid ahaa: “Qofkii munaafaq karaameeya, munaafaqnimadiisuu la wadaagaa, oo asagana soo gaarta.”; iyo: “Qofkii xumida wax san ka dhigtah, asaguna waa xumaadaa”; iyo:”Qofkayan karaamadu toosinnin, oo aan u qalmin, dullinnimada ayuu u qalmaa”; iyo: “Qofkii sadkiisa ka badan doona, wax walba ayuu waayaa”; iyo: “Xaasidnimadu waa cadawga qarsoon oo qofku leeyahay.” Haddaan qof walba hadalkiisa ka garanneynno waxay dadnimadiisu tahay, waxaan hadalka Qysayy ka garanneynaa inuu ahaa nin aad iyo aad munaafaqnimada u neceb iyo xumaanta akhlaaqda. Wuxuu ahaa geesi, neceb isla weynida iyo xaasidnimada.

Cabdu Manaaf

Manaaf wuxuu ahaa magaca sanam ay caabudi jireen: magaca ninkaani waa addoonkii manaaf.

Haashim

Haashim waa koofaar, oo magaciisu waxaa weeye Camru bin Cabdu Manaaf. Waxaana la oran jirey Camru kii sarreeyey, sababtoo ah sarreynta makaankiisa iyo darajada uu qawmkiisa dhexdooda ku lahaa. Walaalkiis wuxuu ahaa Cabdu Shams. Aabihiis kaddib, asaga ayaa qabtay hoggaanka qawmkiisa: aabihiis wuxuu ahaa Cabdu Manaaf. Qureysh ayaa waxaa haleeshay abaar xun, markaas ayaa gaajo daran dhacday, markaas ayaa Haashim wuxuu u safray Shaam oo ka soo gaday bur iyo muufo la yiraahdo kackac oo laga sameeyey bur iyo caano sonkor, markaas ayuu Makkah keenay waqtigii xajka, oo markaas burkii iyo kackacii dadka u qaybiyey, oo geel u qalay, oo muufadii inta googooyey maraqii ku daray oo markaas dadkii siiyey, intay ka dhergaan: markaas ayaa lagu magacaabay Haashim, oo macneheedu yahay: “kii dadka cuntada u jarjaray oo siiyey”. Waxaa kaleeto oo la oran jirey Abul Badhaxaa’, macnohooduna yahay Aabihii Banka Waadiyadu maraan iyo Sayyidkii Banka Waadiyadu maraan. Bankaas waadiyadu maraan waa Makkah Al Mukarramah.

Xilliyada jiilaalka ah iyo kuwa barwaaqada ahba gogoshiisa cuntadu way fidsanaan jirtey: meesha ay soomaalidu ka tiraahdo “dabkiisu ma dami jirin”. Wuxuu ahaa nin hodan ah oo maal leh, maalkana xaqqiisa ka bixiya, qofka cabsidu haysana oo soo baqday meel uu ku nabad galo siiya. Haashim wuxuu ahaa kii ugu horreeyey oo sunneeya, oo bilaabah labada socdaal ama rixlo oo ay Qureysh kaddib ka caado yeelatay: socdaalka Xagaaga iyo socdaalka Jiilaalka. Xagaaga, oo ku beegan xilliga qaboobaha, wuxuu ganacsi ugu safri jirey Yaman iyo koofur. Jiilaalkana, oo ku beegan xilliga kuleylahana wuxuu ganacsi ugu safri jirey Shaam iyo Waqooyi.

Gabayaagii wuxuu yiri: Camru, kii qawmkiisa cuntada u jarjaray – Ayagoo raggii Makaah ay sabooleen oo gaajoon yihiin – Asagoo labadii safarba sunneeyey oo bilaabay – Safarka Xagaaga iyo safarka Jiilaalka.

Labadaas safar waxaa Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ku xusay, oo noogu sheegay Quraanka Kariimka, Suuradda Qureysh:

Bismillaahi Arraxmaani Arraxiimi

“Li Ilaafi Qureysh (1) Iilaafihim rixlatal shitaa’i wassayf (2) Falyacbuduu rabba haathal bayt (3) Allathii adhcamahum min juucin wa aamanahum min khawf (4).”

Suuradda macneheedu waxaa weeye: Magaca Eebe yaan ku bilaabaynaa ee naxariis guud iyo midda gaarba naxariista. 1) Caadaysigii Qureesheed. 2) Ay ka caadayeesheen Safarka Xagaaga iyo Jiilaalka darteed. 3) Ha u caabudeen Eebaha Beydkaan (kacbada). 4) Eebahii ka quudiyay gaajo, kana aamingaliyay cabsi.

Haashim wuxuu ku dhintay Ghazzah, dhulka Falastiin, asagoo ganacsi u tegay, markuu sanadku ahaa 510.

Cabdul Mudhalib

Magaca hooyadiis wuxuu ahaa Salma bintu Zayd Al Najaariyyah. Cabdul Mudhalib magaciisu wuxuu ahaa “Shaybatul Xamdi” oo macnihiisu yahay “cirradii la mahadiyay”, sababtoo ah wuxuu dhashay asagoo cirro leh, iyo ayadoo la rajeynayo inuu noqdo mid suuban oo dadku jeclaado oo la mahdiyo.

Sababta Cabdul Mudhalib loogu bixiyey waxay ahayd in asagoo gaadiid la saaran adeerkiis Al Mudhalib, oo adeerkiisna gaadiidka xagga hore fadhiyo, asaguna xagga dambe, asagoo waliba rifrif leh oo dhar aan hagaagsanayn qaba, saboolnimo daradeed, ayaa adeerkiis la weydiiyey: midkaan kula socda yuu yahay? Markaas ayaa adeerkiis wuxuu ku jawaabay: “Waa addoon aan leeyahay”, asagoo ka xishooday inuu yiraahdo adeer baan u ahay. Marka Cabdul Mudhalib macneheedu waa addoonkii Mudhalib.

Cabdul Mudhalib wuxuu ahaa nin Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, ducadiisa iyo Alle barigiisa uu aqbalo. Buuraha dushooda ayuu haadka, shimbiraha iyo xoolo duurkaba cunto u saari jirey, naxariis uu xoolahaas u qabo daraadeed: taas ayaana u sabab ahayd in loo bixiyey “shimbiro quudiye” iyo “Fayyaad” ama “Al Fayyaad”, oo macneheedu yahay midkii deeqsiga ahaa.

Qureysh aad ayay uga cabsan jirtay, hadday dhibaatooyin la soo gudboonaadaanna asaga ayey ula tegi jireen, oo wuxuu ahaa sayyidka ugu sharaf badan qawmkiisa. Wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee ghaarka Xiraa’ ku cibaadeysta: waa isla godka Rasuulkii Ilaahay Muxammad SCW, Malaku Jibriil, Caleyhissalaam, ugu yimid oo uu Nabinnimada Ilaahay, Subxaanahu wa Tacaalaa, uga keenay, markay taariikhdu ahayd: maalin Isniin oo bisha Ramadaan ay tahay 17 ee sanadkiisii 41, una dhigantah 6 agoosto 610, asagoo ay da’diisu tahay afartan sano ee sanadka dayaxa lagu xisaabiyo iyo lix bilood iyo sideed maalmood.

Cabdul Mudhalib, markay bisha Ramadaan soo gasho wuxuu geli jirey godkaas la yiraahdo Xiraa’ ee ku yaal buuraha Makkah, masaakiintana cunto ayuu siin jirey. Cabdul Mudhalib wuxuu noolaa 120 sano, ama ka badanba. Adeerkiis Al Mudhalib kaddib, asaga ayey madaxtinnimada qawmkiisu u wareegtay. Wuxuu ubadkiisa fari jirey inay ka fogaadaan thulmi falidda iyo isla weynida, wuxuuna ku guubaabin jirey dhaqanka iyo akhlaaqda kariimka, iyo ka fogaanshaha arrimaha hooseeya oo liita. Inta u dambeysay noloshiisa, Cabdul Mudhalib wuxuu diiday caabudidda asnaamta, wuxuuna qiray kali ahaanshaha iyo midnimada Ilaahay. Waxaa ninka lagu magacaabo Daghfal bin Xanthalah, oo abtirsiinyaha ku xeel dheer, uu yiri: Cabdul Mudhalib wuxuu ahaa nin dheer oo toosan, midabkiisuna cadyahay, waji qurxoon, wajigiisana uu ka muuqdo nuurkii Nabinnimada iyo xoogga iyo haybadda Boqorrada, ayna ku hareereysan yihiin toban wiilashiisa uu dhalay ah, oo aad mooddo libaaxyo. Asaga ayaa helay ceelkii Zamzam, kana waraabin jiray xujeyda, oo xilkaas asaga ayuu rasmi u ahaa, taasoo faan iyo awood dheeraad ah asaga u ahayd, Qureysh dhexdeeda iyo carab inteeda kaleba.

Cabdul Mudhalib wuu karaameyn jirey Nabiga SCW wuuna weyneyn jirey, intuu yaraa. Wuxuu oran jirey: “Wiilkeygaan arrin weyn ayuu leeyahay”. Wuxuu hadalkiisaas saldhig uga dhigay waxa uu ka maqli jirey kuhaanta faalisa, culummada krishtaanka iyo kuwa yuhuudda, oo ku saabsanaa dhalashada Rasuulka Ilaahay SCW iyo dhalashadiisa kaddibba. Cabdul Mudhalib koofaartiisu waxay ahayd “Abal Xaarith aabihiis”. Xaarith wuxuu ahaa midka ugu weynaa wiilashiisa.

Ilmihii Cabdul Mudhalib Adeerrada iyo Eedooyink Nabi Muxammad SCW

Ilmihii uu dhalay Cabdul Mudhalib oo ahaa Nabiga SCW adeeradiis iyo eedooyinkiis waxay ahaayee 16 oo kala ah toban wii iyo 6 gabdhood. Waxaa kaleeto oo layiri wiilashiisu waxay ahaayeen 12 Tobanka wiil waxay kala ahaayee: 1. Cabdullaahi, Rasuulka Ilaahay SCW 2. Abuu Dhaalib, oo magaciisu ahaa Cabdu Manaaf. 3. Zubayr: hooyadiis waxay ahayd Faadhimah bintu Camru Al Makhzuumiyah. 4. Cabbaas: oo ahaa awoowaha khulafa’da Cabbaasiyiinta. 5. Daraar: Cabbas ayay isku hooyo ahaayeen, hooyadoodna waxaa la oran jirey Natiilah Al Camriyyah. 6. Xamzah: kaddibna loo bixiyey Libaaxii Ilaahay. Wuxuu ku dhintay dagaalkii Uxud. 7. Al Muqawam: waxay isku hooyo ahaayeen Xamzah, hooyadoodna waxaa la oran jiray Haalah bintu Wahab. 8. Abuu Lahab: magaciisu wuxuu ahaa Cabdul Cuzzaa, hooyadiisna waxay ahayd Lubnaa Al Khzaaciyah. 9. Xaarith: magaca hooyadiis wuxuu ahaa Safiyaah, waxayna ahayd reer Banii Caamir bin Sacsacah. 10. Al Ghaydaaq: hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Mamnacah. Ghaydaaq waa naaneys, magaciisuna wuxuu ahaa Xajal. Gabdhaha Cabdul Mudhalib waxay ahaayeen lix, kuwaasoo kala ah:

1. Safiyah 2.Ummu Xakiim Al Baydaa’ 3.Caatikah 4.Umeymah 5.Urwaa 6.Barrah.

Nabiga SCW adeeradiis waxaa ka islaamay Xamzah iyo Cabaas AKR. Eedooyinkiis SCW sida la isku raacay waxaa ka islaantay Safiyyah. Safiyyah waa hooyada Zubeyr bin Al Cawwaam, Ilaahayna Subxaanahu wa Tacaalaa wuxuu siiyey cimri dheer waxayna dhimatay sanadkii labaatanaad ee Hijrada, zamankii khilaafada Amiir Al Mu’miniin Cumar bin Al Khadhaab, ayadoo da’deedu tahay 73 sano. Wiilkeeda Zubeyr bin Al Cawwaam AKR wuxuu ka mid ahaa tobankii Nabigu SCW janada ugu bishaareeyey wuxuuna ahaa Xawaariga Nabiga SCW.

Zuber wuxuu guursaday Asmaa’ bintu Abii Bakar Al Siddiiq waxayna u dhashay Cabdullaahi iyo ilmo kaleba. Zubayr bin Al Cawwaam wuxuu ka mid ahaa asxaabtii Rasuulka Ilaahay SCW oo hijradii koowaad ee Dalka Xabashada loogu qaxay ka qayb galay markay taariikhdu ahayd bisha Rajab ee sanadkii shanaad ee Nabinnimada, una dhigantay sanadkii miilaadiga ee 615.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT