Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Beesha Yusuf Daarood oo cambaareysay cadaalada darada ka jirta maamulka Faroole

Beesha Yusuf Daarood oo cambaareysay cadaalada darada ka jirta maamulka Faroole

September 26
14:37 2012

Shir uga socdey gudaha iyo dibada waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanada, culumaa’udiinka, haweenka iyo dhalinyarada beesha Yusuf Daarood ”Awrtable” oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega gobalada Waqooyi Bari ee Soomaaliya gaar ahaan degaanada gobalada Nugaal iyo Mudug ayaa ka soo saarey war murtiyeed oo ay uga hadlayaan cadaalada darada iyo heyb sooca ka jira maamulka Faroole:

 

War murtiyeedkaas oo nuxurkiisa ahaa inay ka xun yihiin dhamaantood cadaalada darada, xaqiraada joogtada ah ay maamulka Faroole ay kula dhaqmaan marka ay timaado awood qaybsiga hey’ adaha dowlada maamulka gobalka dadka ku abtirsada beeshooda.

Waxay go’aan ku gaareen inay cambareeyaan maamul xumada iyo isir sooca lagu hayo, islamarkaana waxayna si cad oo cod dheer ah ugu sheegayaan inaysan ka mid aheyn maamul ku fashilmey ujeedooyinkii loo unkey oo ahaa in umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan deganadaas uu gaarsiiyo horumar iyo xasilooni, islamarkaana ku dhaqo cadaalad, iskana heysto cad quureedka.

 

Waxay kale ku sheegeen war murtiyeedkooda inay xusuusinayaan in Qabqable Faroole iyo kuwa maamulka Puntland isku koobey in micno weyn aysan suubineynin hadii laga tago cadaalada oo lagu shaqeeyo qabyaalad, nin jecleysi iyo heyb sooc, islamarkaana waxay Faroole xusuusinayaan in maamul gobaleedka uu madaxda ka yahey ay si wadajir ah u soo dhisteen ururadii siyaasada ee degaanadaas ka jirey 1998, ee kale ahaa SSDF. USP & SNDU kadib burburkii shirkii Qaahira ee kooxaha Siyaasada Soomaaliya, sida daraadeed ay waajib tahey in talada gobalka loo sinaado, hadii kale fashilka ku socda maamulka Puntland uu ku dambeyn doono guriga Faroole.

Tusaale fashilka Faroole waxaa noogu filan in doraato ay ka baxeen gobalada Sool iyo Sanaag, shaleytana Goldogob, maantana Burtinle, saakuna Bari iyo Qardho, marka xigtana Gaalkacyo ilaa uu Garoowe ka gooyo gobalka intiisa.

Isimada iyo waxgaradka gobalka Nugaal waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa inay wax ka qabtaan fashilka iyo colaadaha uu hurinaayo maamulka Puntland ee xaruuntiisu tahey magaalada Garoowe

 

Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in Soomaaliya aan lagu dhaqi karin habka federaal-ka, hadiiba dadka u olaleynaya arinkaasi ay hadaba faraha kula jiraan inay umadda Soomaaliyeed ku kale qaybiyaan maamulkii lagu aaminey islamarkaana caadeystey iska horkeenka bulshada wada degta degaanadaas.

 

Waxay kale yiraahdeen waxaan si xushmed leh uga codsaneysaa dadka walaalaha ee dega gobalada Waqooyi Bari inay fiiro gaar ah u yeeshaan hab dhaqanka maamulka Faroole, islamarkaana ay ka fogadaan wixii dhaawici kara xasiloonada iyo wada noolasha dhexdooda ka jirta, waxaana muhiim ah in isbadal lagu sameeyo hay’adaha maamul gobaleedka Puntland si loo helo hogaamin wanaagsan oo caadil ah oo umadda dhan ay harsato.

Wabilaahi Towfiiq

Dr. Ali Osman Fu’aad

Nairobi Kenya

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT