Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Burcad badeed hore oo wacyi-gelin sameyneysa

Burcad badeed hore oo wacyi-gelin sameyneysa

January 23
03:06 2013

Maxamed Cabdi Xasan “Af-weyne”, hoggaamiye hore ee burcad badeedda

Koox horraantii bishan ku dhawaaqday inay ka baxday burcad badeedda ayaa sheegtay inay wacyi-gelin ka billowday deegaanno ka tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Kooxda oo wacyi-gelineysa burcad badeedda waxay booqan doontaa deegaannada xeebaha ku teedsan sida Hobyo, Xarardheere iyo Gaan oo ay joogaan dhallinyaro burcad badeed ah, sida uu Bar-kulan u sheegay  Diiwaan Cabdullaahi Macallin oo ah xubin ka tirsan kooxda wacyi-gelinta sameyneysa.

Diiwaan wuxuu sheegay inay sidoo kale booqan doonaan deegaanno ku yaalla miyiga Xarardheere iyo Hobyo oo uu sheegay inay kooxaha burcad badeedda ku qeyb-sadaan lacagta ay madax-furasho ahaanta uga qaataan maraakiibta iyo la-haystayaasha.

Diiwaan oo horey u ahaa burcad badeed ayaa Bar-kulan u sheegay inuu galay nolol ka fiican tii burcad badeednimada.

Wuxuu ka codsaday dowladda Somaaliya inay kala qeyb-qaadato wacyi-gelinta ay kooxdiisa billowday ee lagu qancinayo burcad badeedda inay ka tanaasusho howlaha ay ku jirto.

Kooxdan wacyi-gelinta sameyneysa oo horraantii bishan ku dhawaaqday inay ka baxday burcad badeednimada waxaa hoggaaminayay Maxamed Cabdi Xasan “Af-weyne” oo ahaa hoggaamiyihii burcad badeedda ee gobollada dhexe.

Af-weyne oo wareysi gaar ah siiyay Bar-kula ayaa sababta keentay inay isaga baxaan burcad badeednimada ku tilmaamay dadaal muddo dheer laga soo shaqeynayay oo la xiriiray sidii ay uga tanaasuli lahaayeen falalka ay ku howlanaayeen.

 


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT