Warning: Illegal string offset 'let_facebook_pick_pic' in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/plugins/sharepress/sharepress.php on line 807

Warning: Illegal string offset 'let_facebook_pick_pic' in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/plugins/sharepress/sharepress.php on line 810
Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Ciidamada Ethiopia waa sharci daro Xukuumadu ha ka jawaabto

Ciidamada Ethiopia waa sharci daro Xukuumadu ha ka jawaabto

Ciidamada Ethiopia waa sharci daro Xukuumadu ha ka jawaabto
November 27
09:22 2011

Xildhibaano ka mid ah barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa waxa ay qiyaano Qaran ku tilmaameen in ciidamada Ethiopia ay soo galaan dalka Soomaaliya.

Xildhibaanadaani oo maanta Warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sharci daro ku tilmaameen soo galitaanka ciidamada Ethiopia ee dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in taasi ay tahay xad gudub lagu sameynayo shacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan C/raxmaan Max’ud Faarax (Janaqoow) oo ka mid ahaa Xildhibaanadaasi ayaa waxa uu sheegay in qiyaano qaran ay tahay in ciidamadaasi ay soo galaan qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in aan la iska yeeli doonin in dowladda KMG ay codsato ciidamo ka socda Ethiopia ay yimaadaan dalka Soomaaliya, iyadoo taasi loo soo marayo ladagaalanka Al Shabaab,

Xildhibaan Max’ud Cabdi Caliyoow oo isna ka mid ahaa Mudanayaashaasi ayaa sheegay in dowladda KMG looga baahan yahay in ay soo bandhigto heshiisyadii ay la gashay dowladaha Kenya iyo Ethiopia ee ku aadanaa in dalka ay soo galaan ciidamadooda, waxaana uu xusay in wax aysan ansixin mudanayaasha barlamanka aysan sharci noqon doonin.

Deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda Ethiopia, iyadoo dowladda KMG Soomaaliya ay sheegtay in ay soo dhaweyneyso cid kasta oo ka gacan siineysa ladagaalanka Al Shabaab.


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT