Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Ciidamo Ethiopian ah oo Qarax Miino lagula eegtay Magaalada Baladweyne.

Ciidamo Ethiopian ah oo Qarax Miino lagula eegtay Magaalada Baladweyne.

Ciidamo Ethiopian ah oo Qarax Miino lagula eegtay Magaalada Baladweyne.
February 15
13:32 2017

Wararka naga soo gaaraya  Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Qarax Miino Ciidamada Ethiopia lagula beegsaday Gudaha Magaaladaasi.

Goob Joogayaal ayaa Shabelle u xaqiijiyay in  Qaraxaasi oo loo adeegsaday Miinada nuuca dhulka  lagu aaso uu haleelay mid ka mid ah Kolonyada ay Ciidamadaasi Ethiopian-ka ah la socdeen.

Ciidamaan la weeraray ayaa marayay Xaafadda lagu Magacaabo Nuur Xawaad ee Magaaladaasi Baladweyne.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Kolonyadaan ay ka yimaadeen Saldhig ay ku leeyihiin Deegaanka Ceeljaalle ee Duleedka Magaalada Baladweyne ayna Sahay u soo doonteen Gudaha Magaalada Baladweyne.

Goob Joogayaasha Qaraxaasi uga warbixiyay oo diiday in Magacooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa sheegay in mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada Ethiopia uu ku basbeelay Qaraxa walow ay sheegeen in aysan cayimi Karin Khasaaraha Nafeed ee weerarkaasi ka dhashay.

Si kastaba Qaraxaasi Miino ayaa si weyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT