Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Colonel ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo loo magacaabay afhayeenka AMISOM +Sawirro

Colonel ka tirsan Ciidamada Jabuuti oo loo magacaabay afhayeenka AMISOM +Sawirro

July 07
21:24 2012

Afhayeenka cusub ee Howl galka AMISOM ayaa maanta loo magacaabay Colonel ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika, iyadoo Afhayeenkan uu si rasmi maanta howshiisa kula wareegay Xarunta Xalane ee Taliska AMISOM.

Colonel Paddy Ankunda ayaa ahaa Afhayeenkii u horeeyay ee Ciidamada AMISOM, markii 2007-dii Muqdisho yimaadeen, hase ahaatee sanadii 2008-dii ayaa la bedelay, wxaaana dib loogu soo magacaabay xilka Afhayeenimo bishii April ee sanadkii 2011

Shir jaraa’id oo si wada jir ah ugu qabteen Xarunta Xalane ayaa Labada Afhayeen xilalka ku kala wareegeen, oo ay isku gacan qaadeen, iyadoo Afhayeenka cusub ee u Jabuuti u dhashay uu balan qaaday inuu howshiisa ka soo bixi doono, isla markaana howl galada uu ka warbixin doono hadba meeshii ay marayaan.

Colonel Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu qeyb ka noqdo howl galada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iagoo rajo ka muujiyay in xaalada Soomaaliya wax iska bedeli doonto waqtiga dhow.

“Maanta mas’uuliyada garbaha ii saaran waa mid weyn, arrin noo wada taalo, maadaama afkeena ku hadlayo, maadaama aniga wixii iga dambeeyo, ee AMISOm Jabuuti, dowladda sanadaheeda dhibta Soomaaliya taabatay in iyaga taabatay, hadii dowlad iyoc iidan tahay, sharaf ayay ii leedahay” Col. Cali Aadan Xaamud.

Afhayeenka cusub ee AMISOM ee u dhashay Jabuuti ayaa ku hadla, luqadaha Soomaaliga, English, Faransiis, Carabiga iyo Afka Cafariga, waxaana uu ka tirsanaa Ciidamada Jabuuti muddo labaatan sano ah, iyadoo horay uga soo qeyb qaatay tababarka Ciidamada dowladda ee dalka Jabuuti ku soo qaatay.

Howl galka AMISOM ayaa dhowaan loo qeybiyay ilaa afar qeyb, waxaana qeybta Baydhabo hogaan looga dhigay Taliye ka socda AMISOM, halka Taliye kuxigeenka guud ee AMISOM loo magacaabay Taliye ka socda Kenya.

Uganda oo ay ka socdaan Ciidamada ugu badan ee AMISOM ayaa hogaanka heysa, iyadoo Taliye ka socda dalkeeda ay ka amar qaadan doonaan Ciidamada guud ee ka kala socda dalalka Kenya, Brundi, Jabuuti iyo Ciidamada la filayo inay ka yimaadaan Sierra Leone.

Jabuuti ayaa ciidamadeeda u horeysay ay ku soo biirisay howl galka AMISOM bishii December ee sanadkii hore, iyadoo Ciidamadeeda haatan ka howl galayaan Magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan, Ciidamada Jabuuti ayaa ah ciidan isku af iyo isku dhaqan ah Soomaalida.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT