Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Gobolka Sh.Dhexe

Dagaal khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac geystay ayaa Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya waxuu ku dhexmaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Ciidamo Boolis ah oo howlgallo ka waday Xaafada Kulmis ay ishortaag ku sameeyeen Ciidamo kale oo ka mid ah Ilaalada Guddoomiyaha Degmada Jowhar.
Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay, 3 kale oo shacab ahna dhaawac ayaa ka soo gaaray iska horimaadkaasi u dhaxeeyay labada dhinac, sida Goobjooge uu u sheegay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Dhaawaca 3-da Ruux ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla Magaalada Jowhar, si halkaasi xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Maamulka Degmada Jowhar ku aadan Dagaalkii ka dhacay Xarunta Gobolka Sh.Dhexe.