Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Danjire Cali Ameriko oo booqday Soomaali ku xiran Mambasa, Kenya

Danjire Cali Ameriko oo booqday Soomaali ku xiran Mambasa, Kenya

October 03
18:19 2014

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa maanta booqday maxaabiis Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Cali Ameeriko oo salaaddii Jimcaha ee maanta la tukaday maxaabiista ayaa Bar-kulan u sheegay inuu u kuurgalay xaaladda caafimaad ee maxabiista, uuna maamulka xabsiga kala hadlay sidii ay maxabiistu u heli lahayd adeeg caafimaad iyo caddaalad.

Wuxuu tilmaamay inuu dowladaha Soomaaliya iyo Kenya u socdo wadahadal ku aaddan sidii maxaabiista Soomaalida ah ee ku eedaysan burcad badeednimada loogu wareejin lahaa dowladda Soomaaliya, si ay dalkooda ugu qaataan xabsiga lagu xukumay, kuwa kalena loogu maxkamadeeyo.

Danjire Ameeriko ayaa maxaabiista Soomaalida ah ee ku xabsiga Shimo La Tewa ee Mombaasa u qeybiyay dhar ay ku ciidaan, maalinta barri ah ay muslimiintu u dabaal dagi doonaan ciidda barakaysan ee Al-Adxa.

Inta badan Soomaalida ku eedaysan burcad badeednimada ee ku xiran Mombasa ayaa qaadanaya xabsi horay loogu xukumay.

31-300x16821-300x16851-300x168

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT