Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Dawladda Maraykanka Ciidan ayaa Naga Jooga Soomaaliya

Dawladda Maraykanka Ciidan ayaa Naga Jooga Soomaaliya

January 10
23:06 2014
Dawladda Maraykanka ayaa markii ugu horraysay qiratay in unug yar oo ciidan ah uu ka joogo Soomaaliya. Maraykanku ma sheegin tirada ciidankaasi, balse waxay sheegeen in Soomaaliya loo geeyey si ay talobixin u siiyaan ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Maamulka Madaxwyene Barack Obama ayaa sheegay in ciidanka ah ka jooga Soomaaliya loogu magacdaray Unugga Iskuxirka Hawlaha Miltariga isla markaana uu qaabilsan yahay inuu talobixin dhinaca qorshaynta, taakulaynta iyio iskuxirka ah siiyo ciidamada amniga ee Soomaaliya iyo hawlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa VOA u sheegay in unuggaasi hawshiisu tahay kobcinta kartida ciidanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, hawshaasi oo gacan ka gaysata dadalaka nabadaynta iyo xasilloonida ka dhalinta Soomaaliya iyo Gobolka.

Waxaase maamulka Madaxwyene Obama sheegay in unuggaasi yar uu qayb ka yahay dadaalka ballaadhan ee gacanta lagu siinayo ummmadda Soomaaliyeed sidii ay dalkooda u nabadayn lahaayeen.

Mamaamulku waxa uu sheegay in ka sokow taageeraada la siiyo AMISOM iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya dawladda Maryakanku ay ka shaqaynayso in dib loo soo nooleeyo dhaqaalaha dalka, la haqabtiro baahida bani’aadminninmo ee Soomaalida iyo in dawladda Soomaaliya dhidibada loo sii adkeeyo si u fuliso adeegyada aasaaisga ah ee dadkeeda.

Maamulka wuxuu sheegay inay ka dhursugayaan siidii ay joogitaan diblomaasiyadeed ugu yeelan lahaayeen Soomaaliya markii duruufuhu saamaxaan.
Ciidanka-dowladda

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT