Something went wrong with the connection!

Somaale.com

//DEG//DEG// Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh oogaaray Kismaayo

//DEG//DEG// Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh oogaaray Kismaayo

October 31
10:49 2013

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, kadib diyaarad gaar ah oo ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Xildhibaano iyo saraakiil, iyadoo Madaxweynaha markii uu ka degay garoonka Kismaayo uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo loogu tumay astaanta qaranka oo ay garaaceen ciidamada bambeyda, sidoo kale waxaa uu gacan qaaday mas’uuliyiintii soo dhoweeyay oo uu ku jiro Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe.

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha uu yahay mid taariikhi ah oo uu ku tago Kismaayo tan iyo bur burkii dowladii Siyaad Barre oo Madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo ay ugu dambeysay 22-sano ka hor.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo uu caawa ku hoyanayo wada hadalo kula qaadanayo, waxaana socdaalkiisa uu qeyb ka yahay dhaqan gelinta heshiiskii Addis Ababa.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo shalay magaalada ay gaareen ciidamada gaarka ah ee Madaxweynaha iyo ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda, kuwaasoo amnigiisa sii xaqiijinayay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe somaale.com

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT