Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Dhalin Yaro Lagu Xiray Baladweyne

Dhalin Yaro Lagu Xiray Baladweyne

April 04
06:24 2014

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Hiiraan Col. Isaaq Cali Cabdulle oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen gaari ay saarnaayeen 22 dhallin yaro ah oo mid ka mid ah ay dumar tahay.

Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in ay dhallinyaradan uga shakiyeen in ay ka tirsan yihiin malleeshiyada Al-shabaab, isla markaana ay wadaan baaritaanno,  wuxuuna xusayin ciddii lagu helo in ay ka mid tahay kooxda sharciga ay la tiigsan doonaan, ciddii dambi lagu waayana la fasaxi doono.

Taliyaha ayaa sheegay in dhallinyaradaas ay Booliiska u sheegeen in ay yihiin shaqo doon u safrayay gobollada Puntland iyo Waqooyiga Soomaaliya, isaga oo xusay in haatan ay ku hayaan xarunta Nabad Sugidda ee magaalada Baladweyne.

Dhanka kale taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ay xayiraad saareen gaadiidka Shidaalka qaada ee taga degmooyinka qaar ee gobalka Hiiraan, kuwaas oo uu sheegay in ay qaar kood ku sugan yihiin xarumaha ciidamada Ammaanka.

Arrintan ayuu taliyuhu ku macneeyay in ay ka dambaysay kadib markii Al-shabaab ay jidka u galeen gaadiidka u kala goosha Baladweyne iyo Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in ay doonayaan in ay badbaadiyaan hantida shacabka.

dhalin-374x231

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT