Something went wrong with the connection!

Somaale.com

DHallin-Yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 1aad

DHallin-Yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 1aad

DHallin-Yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 1aad
September 04
00:52 2018

 

DHallin-Yarada yeey ka sugayaan inay xudduudaha dalkooda u ilaaliyaan?! –Qaybta 1aad

         (Somaaliya Mar Kale DHiig Waa Loogu Wan Qali!!)

 

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

 

Itoobiya walaalo ma nihin,

laakiin deris baa nahay ,

deris wali colaad kala

tirsanaya oo aan heshiin!

 

Waxaa arrin wallaac badan ka taaganyahay noqotay  Itoobiyaanka xudduudaha Soomaaliya ka soo  ka soo tallaabaya, Waxaana caadi iska noqotay intii uu dalka burburay in Itoobiyaan aad u tiro badan oo iskula socda boqol-boqol ama lab-laba boqol ama mararka qaarkood isula socda kumanaan  ay ka soo talaabayeen xudduudaha dalka oo dhan iyadoo dadka soo talaabaya ay yihiin dhallin-yaro da’doodu u dhexeyso 20-30 qiyaastiina sida la xaqiijiyay 75% ay rag yihiin, waxayna arrintu ka sii dartay markii  ninka ra’iisal wazaaraha ah Abiy Axmed uu yimid Soomaaliya oo uu dadkiisa u sheegay inay Soomaaliya kula heshiiyeen labada dal inay mid noqdaan, waxaana maalinkaas illaa iyo maanta xudduudaha Puntland ka soo talaabay dhallin yaro Itoobiyaan ah oo celcelis ahaan tiradooda lagu sheegay 15kun illaa 20kun. Dadkaas sida sharci darrada ah xadka uga  soo tallaabaya ma jirto cid la socota  ama maamulka Puntland ha ahaado ama ha ahaadeen dadka hor-yaalka bulshada ah, ama guud ahaa muwaadhiniinta, waxaana intaas oo dhan ka daran qaybtii ugu muhiimsanayd bulshada oo ahayd xubintii dareemi lahayd, ka dhiidhiyi lahayd xummaanta iyo dhibaatooyinka soo wajahaya ummaddooda inay noqotay mid aan sidii laga rabay u gudan xilkeeda ……DHallin-Yarradii!..

Sida laga war qabo intii uu burburka dhacay dhallin-yarrada Itoobiyaanka xuddudaha aad bay ug soo talaabayeen, waxayna ugu badnaayeen gobollada maamullada Puntland iyo Soomaaliland, dhibta ugu badan ayaa waxay tahay in dadkaas xadka ka soo talaabay aysan cidna ka war hayn tiradooda, iyo sababta ay xadka uga soo gudbeen iyagoo aan waliba oggolaansho cidna weydiisan, waxaana arrin maan gal ahayn ah in dadka shacabka ee dalkooda lagu soo xad-gudbay ay isku qanciyaan inay dadkaan yihiin dad tahriib ah oo doonaya inay doonyo ka raacaan xeebaha Soomaaliya si ay u galaan dalalka Yurub, is-moodsiinta noocaas ahna waxay keentay  inay xuddudihii dalka iska noqdaan kuwo cid kasta iska soo gasho….Caqligii iyo fekerkii xaggee bay ka baxeen, arrintu ma sidaas bay u sahlantahay?!….sheekada Itoobiyaanka ka soo talaabaya xudduudaha dalka aad bay uga fogtahay sida dhallinta ama guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u fahamsanyahay. Arrintan waa qorshe jeexan oo ku talo gal ay u samaysay dowladda Itoobiya, waxaana taas cadayn u ah markii maamulka Somaliland bishii September 2017, ay dad badan oo Itoobiyaan ku celisay gobolkooda siday uga xannaaqday dowladda Itoobiya, iyadoo waliba ku doodaysa in dad Oromo ah oo muddo dheer deggenaa Somaliland la soo bara-kiciyay!…La soo bara-kiciyay?! (Dispalced) yaa?! Sidii dad dalkoodii laga soo saaray. Waxaana si xanaaq ku jira arrintaas uga hadlay waziirkii hore ee is-gaarsiinta Itoobiya Negeri Lencho, iyo guud ahaan xukuumaddii Xaylemaryam Diseelen (Hailemariam Desalegn) iyagoo u ekeysiinaya in dadka Itoobiyaanka ah joogitaankooda kuwo sharci deggenaansho ku joogay Soomaaliya, arrintani wali si indho la’aan ah bay uga socotaa Soomaaliya.

 

Marka hore waa in la fahmaa dadka Itoobiyaanka ah ee Soomaaliya u soo talaabaya inay tahay arrin shaci darro ah, meel ka dhacna ku ah qaranimmada Soomaaliya, una baahan in laga hor tago oo la jojiyo, isla markaasna ay tahay in qof kasta oo Soomaali ah uu ka dhiidhiyo oo ilaaliyo xudduudda dalka, siiba dhallin-yarrada. Dadkaan ma aha qaxooti, dalkooda waa nabad, dowlad iyo nidaam baa ka jira, Soomaaliyana ma aha hay’ad sama-fal ee waa qaran xudduudo iyo xeerar iyo qaynuun ilaaliya leh, sidaas daraadeed dhallin-yarrada iyo guud ahaan dad-weynaha Soomaaliyeed waa inay sidaas fahamsanaadaan,  xudduudaha dalkana sababo bini-aadminimo iyo magan-gelyo-siyaasadeed qofna looguma oggolaan karo inuu uga soo talaabo haddii aysan baaritaan ku samayn hay’adaha ku shaqada leh oo aysan iyaga sidaas oggolaan!…Midda kale dhallin-yarrada waa inay maanka ku hayaan oo ay dareensanyihiin xaaladda dalka Soomaaliya ku jiro iyo inaysan jirin cid si buuxda ula socota dadka xuddudaha dalka ka soo talaabaya iyo waxa ay yihiin, waxaana muuqata in guud ahaan mas’uuliyiinta dalka heer Federal ilaa iyo heer gobol ay si isku mid ah uga aamuseen qabashada hawlihii ay kitaabka u mareen sababaha ay sidaas u yeelayaanna wax badan innagama qarsoona, mar haddii ay sidaas tahay waxaa lama huraan ah oo waajiba noqonaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu iskii isu xilqaamo una istaago ilaallinta qaranimada isagoo aan xad-gudbayn wixii lama huraan ahna aan ka tageyn.

 

Dowaldda Soomaaliya, waxay u gar-sooraysaa Kannada iyo Sacuudiga kamana hadlayso dadka shisheeyaha ah ee xudduudaheeda soo jabsaday! Waxaa arrin ceeba ah in nin mas’uul sheeganayo marka la soo hadal qaado Itoobiyaanka xudduudaha sida sharci darrada ah uga soo talaabaya uu yiraahdo “Waa dad gaajaysan oo nolol doon ah!…. Waa dad ina soo magan galay!…”  hadii aan labadaas  wax ka qaban karayno dowladda may ku dhwaaqdo in dadka Soomaaliyeed ee xeryaha qaxootiga Kenya ku jira dalkooda lagu soo celiyo?!…waxaana intaas dheer oo la doonayaa in dhallin-yarradu fahamto inay jiraan dad wax ka og barnaamijka dadkaas Itoobiyaanka ah ay ku socdaan oo Soomaali ah oo hadalladaas iyo kuwo la mid ah ku marin habaabiya dadka shacabka ah; inay nolol doon yihiin lama diidana, inay Muslimiin yihiin lama diidana, laakiin ha ku yimaadaan nidaam qaynuun ah si waafaqsan xeerarka dalka Soomaaliya u yaala.

Adeegihii dhaxlay gurigii

reerkii uu u shaqayniyay!

 

Waxaa jirtay sheeko caruureed aan ka turjumay war-geys carabi ahaa, runtii  cinwaankii sheekada ma hayo, laakiin dulucda sheekada waxay ahayd nin reer u ahaa adeege markii dambana reerkii gurigoodii dhaxlay, waa sheeko mar kasta aan madaxayga ka bixin, waa sheeko sawir ahaan u eg sida hadda Itoobiyaanka xuddudaha ka soo talaabaya ugu noolyihiin gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Wuxuu ahaa nin miskiin ah, oo maryo duug ah qaba, marar badan baaguriga reerka cunto looga sadaqaystay oo isagoo gaajaysan cunto la siiyay, mar kasta oo cunto la siiyana wuxuu muujiyay dhaqan wanaagsan iyo asluub reerki cuntada siiyay ay aad u jeclaysteen, wuxuu dhaqay alaabtii uu wax ku cunay, wuxuu ku daray isag oo aan loo dirin inuu dhulkii xaaqo oo nadiifiyo, markuu dhowr maalmood oo kala duwan oo cunto la siiyay uu sidaas u dhaqmay ayaa odaygii reerka yiri “ Ka waran inoo shaqayso oo aad guriga adeege ka noqoto?” “Waa fursad nin shaqo u baahan iyo nin in loo shaqeeya u baahan, aad baan ugu farxi lahaa inaan kuu shaqeeyo, waan idin baraty, reer wanaagsan oo deeqsi ah, baad tihiin.”  ayuu yiri.

Isla markiiba odaygii reerka ayaa la oraday oo inta gacanta qabtay tusay qol yar oo irriddiisu banaanka tahay oo inta u furay ku yiri “ Qolkaan yarka ah waxaa yaala dhammaan agabka wax lagu nadiifiyo, maalin kasta waad imaanaysaa qolkaas baad xaaqinka, saabuunta.. wax kasta oo aad ku shaqanayso qolkaas baad kala baxaysaa.” Lacagtii uu ku shaqayn lahaa baa lagu heshiiyay isagana maalintii xigtay buu bilaabay inuu gurigii adeege ka noqdo cuntadana ka cuno, markuu wax joogay buu yiri “Waxaan jeclaanlahaa in la ii oggolaado inaan iska dhex seexdo qolka yar ee xaaqimmadu yaalaan.”odaygii baa yrir “ii sug xaaskaygaan la soo tashanee.” Xaaskii baa si daacacdnimo ah u tiri “War iska dhaaf waa miskiinee, waad aragatay waa nin wanaagsan oo muslim ah, aadaab badan!” sidii baa logu oggolaaday inuu qolkii seexdo, muddo gaaban buu wuxuu ku urursaday lacag wuxuuna qolkii yaraa hor dhigtay jawaan uu ku iibiyo waxyaabo yar-yar oo aan badnayn, dadka ugu badan ee ka iibasadana waxay ahaayeen reerkii uu gurigooda ka adeegayay, muddo gaaban gudahood weli isagoo reerkii sidii ugu shaqeeya, qolkii yaraana seexda, cuntadana ka cuna, wuxuu samaystay miis weyn, alaabtii uu gadayeyna aad bay u badatay, waqti yar ka dib buu wuxuu u yimid ninkii guriga lahaa, markaas buu ku yiri “ Waad aragtaa oo alaabtii waa badatay, waxaan jeclaan lahaa qolka yar in layga ijaaro oo aan ka dhigto meel aan alaabta ku iibsado” ninkii guriga lahaa sidii oo kale xaaskiisii buu arrintii u sheegay iyadana mar kale waxay tiri “ Anigu kumaba dhaheen ka kiree, oo muxuu haystaana oo uu heli karaana ninkaan cuntada reereebka ah ee innaga soo harta ku nool!”sidi baa qolkii looga kireeyay, muddo ka dib xoolihiibaa batay qolkii baa hadana ku yaraaday markaasuu u yimid ninkii guriga lahaa oo ku yiri “Ka waran guriga qaybta hore haddaad iga iibisaan oo aan idinka gato dushiisana aad dhisataan adinka.” Hadana odaygii iyo xaaskiisii waxay isku raaceen in laga iibiyo qaybta hore ee guriga dusha sarana ay iyaga dhistaan.

 

Muddo markii la joogay  baa ninkii adeegaha ahaa oo xoolihiisii aad u bateen buu wuxuu u baahday meel uu alaabta iyo badeecadda dhigto markaasuu u yimid odaygii guriga lahaan jiray oo ku yiri  “Waxaan doonayaa inaad qaybta kore ee guriga ii banaysaan maxaa yeelay alaab aad u badan baa iga dayacan oo meel aan dhigo aan la’ahay.” Odaygii guriga lahaan jiray oo isu haysta inuu guriga isaga leeyahay baa si caro iyo xanaaq ku jiro u yiri “War sidee baad iila hadlaysaana?! Adiga ma waalatay?! War gurigayga hadda iiga guur!” adeegihii wuxuu ku dooday “ Aniga guriga waad iga gadeen, dhulka iyo qaybta hoose ee guriga anigaa iska leh ,qaybta korana hadda iga fujista….”  Sidaas ayuuna ninkii adeegaha ahaa  ku dhaxlay gurigii reerkii uu u shaqayniyaya!

 

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT