Diyaradaha dagaalka Kenya oo Gobolka Jubada Hoose duqeymo kagaystay
Xaalad degenaansho ayaa saaka ka jirta deegaanadii shalay iyo maalmihii u dambeeyay lagu dagaalamay ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo Ciidamada huwanta ay ku gar-guuranayaan deegaanada u dhaxeeya Afmadow iyo Kismaayo.
Iska caabin iyo weeraro ayaa hakad geliyay dhaq dhaqaaqii baaxada lahaa ee Ciidamada isbaheysanaya ku doonayeen inay ku qabsadaan Magaalada muhiimka ah ee Kismaayo, iyadoo labo maalmood ka hor ay Al-Shabaab u dabara mareen degmada Afmadow oo ay gudaha u galeen.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay kaabiga ku hayaan deegaanka Birta-Dheer oo ah deegaan istiraatiiji ah, halkaasoo shalay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeeyeen deegaankaas iyo Janaay Cabdalla.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in gulufkooda yahay mid ku wajahan Kismaayo, ayna maalmo gudahood k gaarayaan, si ay uga saaraan Al-Shabaab.
Dhinaca kale xaalada magaalada Kismaayo ayaa ah mid aan wali fadhin, waxaana maalintii labaad ka socda barakac ay sameynayaan dadka deegaanka oo u kala qaxaya degmooyinka Jamaame, Jilib iyo deegaanada miyiga ah.
Maraakiib dagaal oo taagan nawaaxiga Xeebta magaalada ayaa dadka cabsi iyo qal qal ku riday, marka ay soo bilaabaan madaafiic ay ku garaacayaan Xaafadaha ku dhow dhow Dekeda magaalada oo xilligan aan wax shaqo ah ka socon, maadaama lagu jiray bad-xiranka iyo saameynta duqeymaha lala dhaco.
Dagaaladii dhowaan ka dhacay Jubada Hoose ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kuwii ugu cuslaa ee soo mara, tan iyo markii sanadkii hore Ciidamada Kenya ay ka soo tallaabeen xuduuda.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment