Djibouti oo sagaal dowladood ku tartansiineysa Qur’aanka
Waxaa maanta dalka Djibouti ka furmay tartan Qur’aan akhris ah oo ay ka qeybgalayaan dad ka socda illaa sagaal waddan oo ku yaalla Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.
Tartanka oo ay qabanqaabisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dalka Djibouti ayaa waxaa dalalka ka qeybgalaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay matalaya saddex qof oo ku tartami doonta 30-ka Jus, 20-ka Jus iyo 10-ka Juz ee Qur’aanka.
Dalalka Yemen, Ethiopia, Tanzania iyo Uganda ayaa ku jira dalalka ka qeybgalaya tartanka oo loogu magac daray jaa’isada madaxweynaha Djibouti.
Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee Djibouti, Dr Xaamud Cabdi Suldaan oo la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in sanadaha soo socda ay rajeynayaan inay kordhiyaan dalalka ka qeybgalaya tartankan Qur’aan aqriska.
Waa markii 13-aad oo ay dowladda Djibouti qabanqaabiso tartanka Qur’aan akhriska ee bisha barakeysan ee Ramadaan.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment