Dowlada Jabuuti aya Deeq Gaarsiiyay Qaar ka mid ah Barakacayaasha
Dowladda Jabuuti ayaa maanta deeq waxa ay gaarsiisay qaar ka mid ah shacabka danta yare ee ku dhibaateysan degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
In ka badan 400 oo qoys oo xaalad nolol xumo ay ku haysatay magaalada Muqdisho ayaa maanta Safaaradda Jabuuti ee Soomaaliya waxa ay u qeybisay deeq raashin ah o noocyo kala duwan ka koobneyd .
Qoysaskaani oo ku noolaa xeryo barakacayal oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa waxaa goobtaasi ku booqday Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo Safaaradda Jabuuti ee dalka Soomaaliya kuwaasi goobjoog ka ahaa qeybinta deeqda.
Safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayid Dubad Rooble oo ka hadlay qeybinta deeqda ayaa waxa uu sheegay in kaalmadaani ay iska soo uruuriyeen shacabka iyo dowladda Jabuuti, waxaana uu uga mahad celiyay Mas’uuliyiinta dowladda sida ay uga caawiyeen in deeqdaani ay gaarsiiyeen dadkii loogu tala galay.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa kal hore yimid magaalada muqdisho isaga oo soo booqday xeryaha qaxootiga iyo isbitaalada ay ku jiraan dadka barakacyaasha ah Dalka Jabuuti waxaa lagu qabtay ilaa 3 shir oo lagu heshiisiinaayo kooxaha siyaasada ee soomaliya.