Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeedu sii joogi doonaan Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeedu sii joogi doonaan Soomaaliya

November 29
02:18 2012
Raiisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Soomaaliya

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidankeedu sii joogi doonaan Soomaaliya ilaa inta ay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ay kala wareegayaan qeybaha ay ka joogaan dalka.

Raiisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Addis Ababa kadib markii uu halkaasi kulan kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh oo booqanaya Itoobiya.

Hailemariam Desalegn waxa uu sheegay in Ciidamada difaaca ee Itoobiya ay joogaan qeybo ka mid ah Soomaaliya, si ay u taageeraan dhisitaanka nabadda.

Raiisul Wasaaraha Itoobiya waxa uu yiri “sidii aan horeyba u sheegnay ciidamada AMISOM inay yimaadaan oo ay na beddelaan, ilaa aan ka helno xaqiijintaasi, halkaas ayaan ku sugi doonaa, inta AMISOM ka imanayso, Ma jiri doonto inaan u dabcino al-Shabaab inay halkaasi yimaadaan”

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo isna hadlay ayaa waxa uu sheegay inay aqoonsan yihiin doorka Itoobiya ee ay degenaanshaha uga abuureyso Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh waxa uu yiri “Inkasta oo ay jirtay taariikh aad u adag, taariikh hore, laakiin Itoobiya waxay caddeysay inay ka gudubtay waxyaabihii hor gudbanaa oo ay buundo u furtay Soomaaliya.”

Waxa uu sheegay in ay isticmaali doonaan fursadda ay Itoobiya siisay dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay la shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa Soomaaliya wanaagsan iyo degenaansho wanaagsan oo gobolka geeska Afrika ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa ah tii ugu horreysay ee uu ku tago Itoobiya tan iyo markii xilka uu qabtay.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT