Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la qarameyn doono ciidamada Ahlusuna Wal-jameeca isla markaana lagu biirinayo ciidamada dowladda
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qarameyneyso Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca, kadib markii madaxda Ahlusuna dhowaan shaaca ka qaadeen in Ciidamada Ahlusuna lagu biiriyay kuwa dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada Ahlusuna la qarameyn doono, isla markaana lagu biirinayo ciidamada dowladda Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howl galada ka socda gobolada dalka.
“Mas’uuliyiinta Ahlusuna ayaa dhowaan kula kulanay Muqdisho, waana isku waafaqnay arrintaas, Ciidamada Ahlusuna waxaa lagu biirin doonaa ciidamada dowladda, waana la qarameynayaa”ayuu yiri C/xakiin Fiqi.
Sidoo kale Wasiirka ayaa digniin u diray ciidamada dowladda ee dhibaatooyinka u geysta dadka rayidka, waxaana uu xusay in Maxkamada ciidamada qalabka sida la geyn doono goob kasta oo lala wareego gacan ku heynteeda, si ciidamada hadii falal anshax ka baxsan ay geystaan loola xisaabtamo.
Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa ahaa xoog siyaasadeed masraxa ku soo koray dagaalo ay la galeen Al-Shabaab, iyagoo gacanta ku haya qeybo ka mid ah Galgaduud oo ay kula dagaalameen Shabaab.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment