Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Dukumiinti Maraykanku soo bandhigay oo la sheegay inuu Osama Bin Laden Al-Shabab kala taliyay inay shacabka Soomaaliyeed ka daayaan cadaadiska

Dukumiinti Maraykanku soo bandhigay oo la sheegay inuu Osama Bin Laden Al-Shabab kala taliyay inay shacabka Soomaaliyeed ka daayaan cadaadiska

July 03
00:01 2012

Osama Bin Laden oo la sheegay inuu Al-Shabab kala taliyay inay shacabka Soomaaliyeed ka daayaan cadaadiska (Dukumiinti Maraykanku soo bandhigay) 

Sida qoran dukumenti ka kooban 17 bog oo lagu daabacay bogg internet oo ay leeyihiin ciidamada militariga wadanka Maraykanka qeybta la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan CTC hogaamiyihii ururka Al-Qacida ee sanadkii hore lagu dilay magaalo ku taala wadanka Pakistan Sh, Osama Bin Laden ayaa u jeediyay hogaanka Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta inay shacabka Soomaaliyeed u jiheeyeen nidaam ay ku heli karaan dawlad wanaagsan oo ay iyagu dooranayaan.

Dukumiintigaan oo dawlada Maraykanku sheegtay inay ka heshay gurigii uu magaalada Abotobad ee dalka Pakistan waxay si gaar ah ugu soccotay hogaamiyaha Xarakadda Al-Shabab Axmed Cabdi Aw-Max’ud Godane loona yaqaan Sh, Mukhtar Abu Zubery waxaa uu Osama Bin Laden ku sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay u baahan hanaan dawlad wanaag ah oo aysan ku jirin wax cabsi ama cadaadis ah taasoo keeneysa in dadku ay jeclaadaan diinta Islamka waxaana uu uga digayaa hogaanka Al-Shabab inay dadka ka dhaafaan falalka argagixinta ah oo ay ka mid ka dhex dagaalamida u hanjabida iyo waxyaabaha soo raaca.

Dukumintiigaan loo soo diray Amiirka Xarakadda Al-Shabab oo ku taariikhaysan 7, da bisha August ee sanada 2010 waxaa uu ku waaniyay hogaanka Al-Shabab inay ka taanusaal qalafsanaan adag ee ay u adeegsadaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool goobaha ay xilligaasi ka taliyaan.

“Waa inaad dadka kula dhaqantaan si dabacsan oo soo jiidasho leh kana fog in dadku idinka cararo waana inaad dadka u madax banaaneysaa helida dawlad wanaagsan iyo wadaniyada” ayay Maraykanku sheegeen inay ku qorneyd warqadaasi laga helay gurigii uu Osama ka daganaa wadanka Pakistan waxaana warku intaa ku darayaa inaan loo baahneyn inaan lagu dhawaaqin dawlad Islaami ah oo dadka lagu qasbo taasoo keeni karta inay ka caroodaan cadawga keenta in Shababka lala dagaalamo.

Sidoo kale Osama Bin Laden ayaa kala taliyay Al-Shabab inay joojiyaan falalka ay ka mid yihiin in dadka la weydiisto xoolaha nool ee ay dhaqdaan iyo in qasbo inay dagaalada ka qeyb qaataan dagaalad ay kula jiraan Ciidamada dawlada iyo kuwa midawga Africa ee AMISOM taasoo keeneys ayaa lagu dukumiinta in dadku ka guuraan deegaanada ay ka jiraan m/mulada Al-Shabab.

“Waa in dadka lagula dhaqmaa nidaamyo ay ka mid yihiin cafin, daryeelid iyo soo dhaweyn” ayaa sidoo kale ku qoran dukumiintigaan waxaana Abuu Zubeyr loo jeediyay inuu qaato tilaabooyin kasta oo keeni kara in dadku dawlad helaan.
Nin aqoonyahan ah oo ku taqasusay arrimaha Al-Qacida oo lagu magacaabo Christopher Anzalone barena ka ah jaamacadda McGill oo Canada ku taala ayaa u sheega bogga warbixintaan qoray in Osama Bin Laden uga gol lahaa inuu Shababka ku dhiiro galiyo inay shacabka soo jiitaan.

Al-Shabab oo bilawgii sanadkaan ku dhawaaqay inay Al-Qacida la midoobeen waxaa lagu eedeeyaa inay xukun adag kula dhaqmaan dadka ku nool goobaha ay ka taliyaan ee Soomaaliya ku yaala.

Ururka Al-Qacida si buuxda ayuu u taageeraa Xarakadda Al-Shabab sida uu xaqiijiyay hogaamiyaha xilligaan ee Al-Qacida Dr Ayman Al-Zawaahiri waxaana la sheegaa in dagaalyahano Al-Qacida ka tirsan oo aan Soomaali aheyn ay ka bar bar dagaalamaan kuwa Al-Shabab.

Gobolo badan oo Shababku ka talinayeen markii uu Osama Bin Laden noolaa ayaa hadda ka maqan gacantooda waxaana ka talisa dawlada KMG waxaana Shababka hadda ku furan furimo dagaal oo badankood ay ku leeyihiin wadamada dariska la ah Soomaaliya

Maxamuud Axmed Xasan

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT