Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Duleedka Kismaayo oo lagu Dagaalamayo

Duleedka Kismaayo oo lagu Dagaalamayo

September 14
05:50 2012

Dagaal ayaa lagu soo warramayaa in uu ka socda afaafka hore ee deegaanka Birta-dheer oo 60 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya, kuwa Raaskambooni iyo militariga Kenya oo isku dhinac ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab ayaa ka dambeeyay kaddib markii ciidamada huwanta ay weerar ku qaadeen deegaanka Birta-dheer, iyadoo ay iska hor-imaad kala kulmeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ilaa hadda ma cadda, qof goobjooge ah oo ku sugan Birta-dheer ayaa u sheegay Bar-kulan in dhawaqa rasaasta ay maqlayaan, dagaalkuna uu culus yahay.

Dagaalka ayaa daba socda iska hor-imaadyo toddobaadyadii ugu dambeeyey ka dhacayay gobolka Jubbada hoose oo salka ku haya qabsashada magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Dhanka kale, boqollaal qof ayaa maanta magaalada Kismaayo ka dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan filimkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxamed (NNKH).

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT