Ethiopia Ciidamadeenu Weey Joogi Doonaan Somaliya
Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya aysan ka bixeyn Ciidamadeeda illaa dowladda ay ka yeellato awood buuxda oo ay isaga difaacdo Xarakada Al Shabaab.
Shimeles Kemal oo ah Afhayeenka Xukuumadda Ethiopia oo warabahinta kula hadlayay Magaalada Addis’ Ababa ee Xarunta dalkaasi ayaa waxa uu sheegay in ciidamadoodu ay sii joogi doonaan gudaha dalka Soomaaliya inta dowladda Soomaaliya ay awood u yeelanayso xaqiijinta ammaanka guud ee dalka.
Afhayeenka ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamadoodu ay joogi doonaan Soomaaliya inta Dastuur cusub uu ka yeelanayo dalka islamarkaana laga soo dhisayo Xukuumadda Dimuqraadiyad ah oo hanan karta Xasiloonida iyo kala dambeynta dalka Soomaaliya.
Shimeles Kemal ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay kasii qeyb qaadan doonaan howlgallada Nabad sugidda inta dowladda ay ka gaarayso awood ay cagaheeda isugu taagto, Ciidamada Ethiopia-kana waxa ay garab siin doonaan dowladda Soomaaliya si looga adkaado Kooxaha Xag jirka ah ee Al Shabaab.
Ciidamada Ethiopia ayaa dalka Soomaaliya soo galay Bishii November ee sanadkii aan kasoo gudubnay iyagoo xilligaasi wixii ka dambeeyay gacanta ku dhigay Magaalooyin dhowr ah oo ay ka mid ah Baladweyne, Baydhabo, iyo meelo kale oo muhiim u ahaa Al Shabaab.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment