Something went wrong with the connection!

Somaale.com

EXCLUSIVE //Dowlado reer galbeed ah ku gorgor tamayaan Sheikh Xassan Dahir Awey

EXCLUSIVE //Dowlado reer galbeed ah ku gorgor tamayaan Sheikh Xassan Dahir Awey

July 01
21:16 2013

Hassan Dahir Aweys. Aweys

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helaayo Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia, ayaa sheegaya in Saddax Dowladood oo galbeedka ah ku gorgor tamayaan Xassan Dahir Aweys.

Wararka ayaa sheegaya in Dowladaha kala ah Britain, Marayka iyo Faransiis-ka ay ku gorgor tamayaan Xassan Dahir Aweys oo lagu haayo Xirooyinka Sirdoonka.

Sirdoonka Saddaxdaasi Dowladood ayaa waxa ay weli isku Khilaafsan yihiin in Xassan Dahir la geeyo Dowladaha dariska la ah Somalia iyo in loo dhoofiyo Maraykanka halka Xukuumadda Somalia ay iyaduna ka biya diidan tahay in Xassan Dahir laga wado gudaha Dalka oo loo dhoofiyo meelo kale.

Dowladda ayaa waxa ay Fursado siineysaa Xassan Dahir iyo Reerahiisa si Xassan Dahir looga saaro Mab’daha ay Alshabaab aaminsan yihiin, waxa ayna wararku sheegayaan in Wadista Xassan Dahir ay ku xiran tahay wixii afkiisa kasoo baxa oo go’aan ah.

Dowladda Somalia iyo Sirdoonka Saddaxdaasi dal ayaa isla meel dhigay haddii uu Xassan Dahir ka dhaga adeego inuu ka baxo go’aanka heerka sare ee uu ka aaminsan yahay Alshabaab loo kaxeeyn doono Xarumaha Sirdoonka Saddaxdaasi dal, haddii uu qaato go’aan ah inuu isaga baxo Alshabaab uu la shaqeyn doono Xukuumadda Somalia.

Si dhab ah iminka looma saadalin karo go’aanka ay gaari doonaan Sirdoonka Saddaxdaasi dal iyo Xukuumadda Somalia, wallow ay jiraan go’aano is daba-joog ah oo ay marba marka xigta ay soo saarayaan taasoo meesha ka saareysa in hal meel lagu tooso.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT