Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Gaalkacyo oo ay ka Socoto Aaskii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Madaxda Qaranka oo Janaasada Kula Tukatay Magaalada Muqdisho

Gaalkacyo oo ay ka Socoto Aaskii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Madaxda Qaranka oo Janaasada Kula Tukatay Magaalada Muqdisho

Gaalkacyo oo ay ka Socoto Aaskii Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo Madaxda Qaranka oo Janaasada Kula Tukatay Magaalada Muqdisho
March 24
23:13 2012

Magaalada Gaalakcyo oo uu ka Dhacayo Aas Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa si weyn Maanta waxaa looga Dareemayaa Gaalkacyo diyaargarow ku aadan sidii loo Xakamayn lahaa amaanka Gobolka iyo Guud ahaan Magalada Gobolkaas.

Ciidamada ayaa heegan ugu jira sidii ay u Xoojin lahaayeen Nabadgelyadda Magaalada Gaalkacyo,waxaana Madaxweynaha loo Samaynayaa Aas Qaran iyadoo Marka Hore ay kusoo Horumarayso Diyadda Sidda Maydka Madaxweynaha .

Madaxweynaha puntland ayaa ku wajahan Goobta Aaska eek u taal Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaana uu iminka ku suganyahay Madaxweyne Faroole iyo Wafdiga uu Hogaaminayo Degmadda Buurtinle iyadoo ay Hiirtii Hore ka soo baxeen masuuliintu Magaladda Garoowe,Aaska Madaxweynaha ayaa ah kii ugu Balaarnaa ee loo sameyo Madaxweyne Qaran.

meeydka madaxweyne cabdulaahi Yuusuf Axmed oo maanta magaalada Muqdisho lagula Tukaday Salaadii janaasada ka dib ayaa waxaa halkaas ka hadlay madaxda Soomaaliya

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa saaladda Jannaasada kaddib Tacsi u diray dhammaan ummada Soomaaliyeed iyo ehelladii uu ka geeriyooday madaxweynihii horre ee Soomaaliya,  iyadoo madaxweynaha Jamuuriyadda  uu ummadda ku boorriyiay in ay u duceeyaan marxuud Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Markii ay soo idlaatay Saaladda Jannaasada ee lagu Dukaday madaxweynihii horre ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxaa hadallo kooban jeeddiyay madaxda dowladda waxaana haddalka ku horreeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Weli Maxamed Cali, waxa uuna sheegay in Marxuum Cabdullaahi Yuusuf uu ahaan shaqsi ummadda Soomaaliyeed ku reebay taariikh weyn isla markaana ay Alle uga baryayaan in uu Jannadii Fardowsa ka warraabiyo.

Sidoo kale madaxweynnaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo isna haddal kooban jeeddiyay ayaa ugu horreyn Tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed ehelladii uu ka baxay madaxweynihii horre ee Soomaaliya, waxa uu tilmaamay madaxweynaha in ummadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in iska cafiyaan walaalkooda, isla markaana ay u duceeyaan.

Madaxweyne Shariif ayaa yiri, “aniga iyo marxuumka waxaa ina dhaxeeyay cilaaqaad wanaagsan, waxaan ku wada xiriir jirnay qadka Teleefanka, waxa uuna ahaa shaqsi jecel dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya, Alle waxaan uga baryeenaa in uu Jannadii Fardowsa ka warrabiyo.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahad celiyay dowladda Yemen iyo Isuga Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay ka codsadeen in ay si gaar ah ula socdaan xalaadda mudune Cabdullaahi Yuusuf, isagoo ballan qaaday in dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay bixinta dhammaan Deemaha lagu leeyahay madaxweynihii horre ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

 

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT