Gaas “Kama Maaranno Imaaraadka”

April 18
00:16
2018
Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegey in dowlada Imaaraadka Carabta ay howlo muhiim ah ka wadaan deegaanada Puntland kuwaasoo ay adag tahay in ay shacabka iyo maamulkiisuba ka maarmo, isagoo soo dhaweeyey in wixii ismaandhaaf ah lagu xaliyo wadahadal.
Madaxweyne Cabdiwali ayaa sheegey in wali ay Puntland ka socdaan howlihii ay shacabka iyo maamulkaba u hayeen dowlada Imaaraadka oo ay ugu horeyso tababarida iyo maamulista ciidamo uu sheegey in ay ka howlagalaan deegaanada xeebta.