Something went wrong with the connection!

Somaale.com

lhaam Xasan Cali (Faleebo) Ayaa Ku Dhawaaqday Inay Isku Soo Sharaxday Urur Siyaasadeedka NDB

lhaam Xasan Cali (Faleebo) Ayaa Ku Dhawaaqday Inay Isku Soo Sharaxday Urur Siyaasadeedka NDB

March 18
10:33 2012

Ilhaan Xasan Cali oo ah gabadh Da’yar oo ka mid ah jiilka ka baxay jaamacadaha Somaliland isla markaana in door ah ka soo shaqaynaysay hawlaha arrimaha bulshada ee caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa noqotay Gabadhii ugu horaysay oo si rasmi ah u shaacisay inay u taagantahay doorashada golaha deegaanka ee Caasimadda Hargeysa.

Ilhaam Xasan Cali ayaa waxay ku shaacisay bogga ay ku leedahay shabakadda Facebook qoraal ku qoran afka ingiriisiga oo ay ku sharaxayso sababaha ku kelifay inay isku soo taagto mid ka mid ah kuraasta golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa iyadoo sharaxaysana waxay tidhi “waxaan ka mid ahay kuwa nasiibka u hellay in anigoo wax barta aan shaqo hello, waxaan dareensanahay dhibta iyo xanuunka ay leedahay in dhalinteenu ay bila shaqo noqoto, waan ogahay in dhalinta ila da’da ah ee jaamacadaha dalka ka baxa ay ku adkaato helitaanka shaqooyinka, waxaan ogahay inay jirto fursad ay haboontahay in la gaadhay xilligii aynu ka shaqayn lahayn sidii aynu u abuuri lahayn shaqooyin, dhalinta reer Somaliland uga bixi lahayd shaqo la’aanta, haddii la i doorto waxaan ballan qaadaya anigoo la kaashanaya NDB in aan ka shaqayn doono sidii shaqo loo abuuri lahaa dhalinyarta reer Hargeysana uga bixi lahayd shaqo la’aanta iyo dhibaatadeeda” ayey tidhi Gabadhan yar ee Marwo Ilhaan Xasan Cali.

Ilhaan oo ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee ka shaqeeya hawlaha horumarinta arrimaha bulshada waxay ka mid tahay dhallinyarada ku koray kuna barbaaray caasimadda Hargeysa ee fahansan aadna ugu xogogaalsan baahida taalla Somaliland guud ahaan iyo gaar ahaan caasimadda ay ku kortay iyadoo markale sharaxaysa waxay tidhi“waxaan u dagaalami doona xuquuqda dadka laga tirada badanyahay, dumarka haweenka, dhalinyarada iyo dadka aan codka lahayn, miyaad dareenta inaan lagu maqlayn oo aanu codkaagu gaadhayn halkii la rabay? miyaad dareenta inaad tahay qof dalka wax ku kordhin kara oo la habraday? miyaad dareenta in haddii caqli iyo garaadka dhalinta la isku gayn lahaa in la gaadhi lahaa horumar? miyaad dareenta in tallada qarranku ay shakhsyaad ku uruursantahay lana gaadhay xilligii tallada dib loogu celin lahaa dadka caadiga ah, dhalinta, hooyooyinka, haweenka iyo dadka ugu tirada badan ee dulmin? haddii ay jawaabtu tahay haa ii codee waxaan kaaga ballan-qaadaya inaan u dagaalamo xaqaasi” ayey tidhi Marwada da’da yar ee Ilhaam Xasan Cali (Faleebo)

Ilhaam ayaa waxay iska soo sharaxday urur siyaasadeed ay hogaankeeda hayso Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaana ay hormood u noqotay Ilhaam sharcigii dhawaan golaha wakiiladdu ansixiyeen ee u ogolanaayey in la yareeyo da’da lagu soo gallayo golayaasha deegaanka ee caasimadda Hargeysa, Ilhaam waxay ka soo jeeda dhalinta jaamacadaha iyo iskuuladda Hargeysa ka qallin jabiyey, ku barbaaray kana shaqeeyey waxaanay uga faham badantahay qurbe jooga iyagu quudaraddu ka hayso inay buuxiyaan kuraasta ay uga soo xil doonteen balaayiinka Mile.

Bogga Facebook ee Ilhaam waa kani

https://www.facebook.com/ilham.ilahm

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT