Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Guddi loo saaray wax ka qabashada dhibaatada beeralleyda Shabeellooyinka

Guddi loo saaray wax ka qabashada dhibaatada beeralleyda Shabeellooyinka

January 30
21:24 2014

beeraha-afgoye1

Kulan degdeg ahaa oo xalay ay isugu yimaadeen guddoomiyaha baarlamanka, raysul wasaaraha, wasiirka beeraha iyo saraakiisha ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu sameeyay guddi wax ka qabta dhibaatooyin la sheegay in lagu hayo beeraleyda gobollada Shabeellooyinka.

Beeraleyda ayaa ka cabanaya rag hubeysan oo xiran dharka ciidanka, kuwaas oo dhac joogto ah u geysta dadka ku nool deegaannada gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka uu yimid kaddib  markii ay cabasho ka timid beeraleyda gobolladaas.

Wuxuu tilmaamay in ay beeraleyda ay iska saareen guddi iyaguna ay magacaabeen guddi kale, waxayna labadaas guddi iska kaashan doonaan sidii burcadda wax looga qaban lahaa.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ayaa beeniyay in raggaas hubeysan ay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT