Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) lama Dhaliili Karo Mas'uuliyiinta Doowlada
) ayaa uga digay xildhibaannada Soomaaliya inay eedeeyaan mas’uuliyiin iyo dad kale, iyagoo caddeyn u haynin eedeymaha ay jeedinayaan.
Jawaari oo maanta ka hadlayay kalfadhigii baarlamanka ee maanta ayaa sheegay in xildhibaankii eedeyn u geysta mas’uul dowladeed ama shakhsi uusan ku caddeyn karin waxa uu ku sheegay laga qaadayo xasaanadda, isla markaana dacwad lagu soo oogi doono.
Wuxuu intaas ku daray in xasaanadda xildhibaannada ay leedahay xad, qofkii ka gudbana sharciga lagu qaadi doono.
Qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamanka ayaa horey warbaahinta uga sheegay eedeymo ka dhan ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha baarlamanka ayaa dhanka kale ku baaqay in xildhibaannada ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa dhaq-dhaqaaqa siyaasadda xisbiyada, si loo helo mustaqbalka hogaamiyeyaal bulshada ka soo dhex baxa.