Guddoomiyaha FIFA oo raaligalin bixiyay

Guddoomiyaha FIFA oo raaligalin bixiyay
Abdirahman Koronto
BBCSomali.com
Sep Blatter, guddoomiyaha FIFA
Guddoomiyaha guddiga kubadda cagta adduunka ee FIFA, Sep Blatter ayaa raali-galin ka bixiyay hadal uu jeediyay, oo ku saabsanaa midabtakoorka ka dhaca gucdaha garoomada kubadda cagta.
Hadalada uu jeediyay ayaa caro xoog leh ka dhaliyay dhinaca taageerayaasha, maamulka iyo cayaartoyda kubadda cagta ee qaybo badan oo adduunka ah haba ugu horeeyo dalka UK. Waxa laga carooday ayaa ahaa in uu sheegay in cunsuriyadda iyo midabtakoorka ka dhaca gudaha garoonka badanaa lagu xaliyo in la is gacan-qaado ugu dambaynta.
Wararka la xiriiraCiyaarahaSep Blatter, oo waraysi siiyay BBC ayaa sheegay in uu ka xun yahay hadaladaas uu horay u sheegay.
Isagoo ka jawaabaya baaqyada ah in uu xilka ka dego ayuu yiri xilka kama dagayo. Waayo hadda ma aha waqti haboon waxay noqonaysaa buu yiri mid aan cadaalad ahayn oo aan waafaqsanayn howsha aan doonayo in aan qabto.
Wuxuu sheegay in aan loo dulqaadan doonin midabtakoorka kubadda cagta ee gudaha garoonka.