Warning: Illegal string offset 'let_facebook_pick_pic' in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/plugins/sharepress/sharepress.php on line 807

Warning: Illegal string offset 'let_facebook_pick_pic' in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/plugins/sharepress/sharepress.php on line 810
Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Hogaamiyaha Taageerada badan Shariif Xasan oo london ku sii jeeda

Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Hogaamiyaha Taageerada badan Shariif Xasan oo london ku sii jeeda

Gudoomiyaha barlamanka KMG Soomaaliya Hogaamiyaha Taageerada badan Shariif Xasan oo london ku sii jeeda
February 19
10:31 2012

 iyo tiro Xildhibaano ah ayaa maanta waxa ay ka dhoofeen garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa ay ku wajahan yihiin magaalada London ee dalka Ingiriiska. 

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu marti qaad rasmi ah ka helay dowladda Ingiriiska, isagoo qeyb ka ah Madaxda Soomaalida ee ka qeyb galayso Shirka 23-ka bishaan ee la filayo in uu ka furmo magaalada London oo ay dowladda Ingiriiska ay martigalisay. 

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo ka warbixiyay safarka Gudoomiyaha iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa sheegay in Gudoomiyaha iyo tiro Xildhibaano ah oo uusan xusin cadadkoosa ay kusii jeedaan magaalada London si ay uga qeyb galaan Shirkaasi, waxaana uu intaasi ku daray in Gudoomiyaha uu shalay kasoo laabtay magaalada Garoowe halkaasi oo lagu soo gaba gabeeyay Shirka dastuurka Soomaaliya. 

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa dhinaca kale waxa uu rajo ka muujiyay Shirka London kaasi oo uu sheegay in ay kasoo bixi karaan waxa uu ku sheegay guulo wax ku ool oo ku qotoma danaha iyo masiirka Umada soomaaliyeed, waxaana uu kula dardaarmay Madaxda ka qeyb galaysa Shirkaasi iyo Gudoomiyahaba in looga baahan yahay in ay muujiyaan midnimadooda islamarkaana ay maanka ku hayaan in Umada Soomaaliyeed ay ka dhoorsugayso Shirkaasi. 

Ka sokoow Madaxda dowladda KMG iyo Maamulada ka jira dalka Soomaaliya oo Somaliland ay ka mid tahay ayaa hadana Shirkaasi waxaa ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood oo ay ugu horeeyaan wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Ururo Caalami ah.

 


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT