Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Hawada #Soomaaliya oo laga maamuli doono #Hargeysa

Hawada #Soomaaliya oo laga maamuli doono #Hargeysa

July 10
07:01 2013

turksom

Kadib labo Maalmood oo wada hadal uu uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga Wufuud ka kala socotay Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland islamarkaana ay kala hoggaaminayeen Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Ganacsiga  iyo Maalgashiga Soomaaliland Max’ed C/llaahi Cumar. Waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddi ka kooban labada dhinac oo xaruntooda ay noqon doonto magaalada Hargeysa

Labada dhinac ayaa maamulka hawada Soomaaliya kala soo wareegi doono Qaramada Midoobay, waxayna ku heshiiyeen in si siman ay u qeybsadaan dakhliga ka soo gala.

Arrintan ayaa ka soo baxday shir wadaxaajood ah oo labada dhinac ay ku lahaayeen magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hasa ahaatee, waxaa muuqata in labada dhinac aysan ku heshiin qodobbadii kale ee ajendaha ku jiray, oo uu ka mid ahaa qodobka gooni isu taagga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cabdikarim Xuseen Guuleed, oo hoggaaminayay wafdiga dowladda federaalka ayaa so dhaweeyay heshiiskan.Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in afar bilood kaddib ay haddana ku shiraan isla dalkaas Turkiga.Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgeshiga Somaliland, Maxamad Cabdullahi Cumar, ayaa isaguna sheegay in arrimaha dhiman looga hadli doono shirarka soo socda.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT