Hirgalinta Wado Isku xirta dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo Bangiga Horumarinta Afrika uu wado
Bangiga Hormarinta Africa ayaa wuxuu ka fikirayaa maalgalinta wado dheer oo isku xirta dalalka Kenya iyo Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wafdi ka socda bangiga oo ku sugan dalka Kenya.
Hogaaminaya wafdigaasi oo lagu magacaabo Dr.Donal Kaberuka ayay arrinkan isku soo qaadeen madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki.
Waxaana labada dhinac ay falanqeeyeen sidii loo dhisi lahaa wado dheer (High way) oo isku xirta Kenya iyo Soomaaliya, si loo dardar galiyo dib u dhiska Soomaaliya oo haatan yeelatay dawlad rasmi ah.
Mr.Kibaki ayaa uga mahadceliyay Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB) doorka uu uga jiro horumarinta gobolka iyo taageerada uu siiyo wadanka Kenya.
Labadani masuul ayaa sidoo kale kawada hadlay mashaariic dhismo oo dalka Kenya iyo gobolka ka socdo, kuwaasoo uu maalgaliyo Bangiga Horumarinta Afrika.
Dr. Keberuka ayaa kulanka uu Mr.Kibaki la qaatay ku sheegay in Bangiga Horumantia Afrika uu gacanta ku hayo Mashaaric gaareysa 20 oo dalka ah iyo sedex gobolka ah kuwaasoo ay ku baxday lacag gaareeyso 1.65 Billion U.S Dollar, islamarkaasina wax looga qabanayo wadooyinka, Beeraha, caafimaadka iyo waxbarashada.
Bangiga Horumarinta Africa ayaa mashaariic badan oo dhinaca dhismaha wadooyinka ah ka hirgeliyay dalal badan oo ku yaal qaaradda Afrika, wuxuuna imika gacanta ku hayaan mashariic dhowr ah oo wadooyin loogu dhisayo dalka Kenya.
Inkastoo aan la ogeyn in Bankiga uu fulin doono mashruucani lagu dhisayo waddo High-way ah oo isku xirta dalalk Kenya iyo Soomaaliya, ayaa hadana waxay dad badani aamisanyihiin in hadii wadadaasi la dhiso ay wax weyn ka tari doonto ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya.
Dib u dhis xoogan ayaa Soomaaliya haatan ka soconaya oo ay wadaan intiisa badan Soomaalida dalka dib ugu soo laabanaysa, iyo ganacsatada gudaha, taasoo loo arko inay keeni karto horumar dhaqaale oo u dalku ku tillaabsado.
There are no comments at the moment, do you want to add one?
Write a comment