Is casilaad mise xil ka qaadis been abuura?

Is casilaad mise xilka qaadis been abuur ah
Qofku wuxuu XAQ u leeyahay in uu iska casili karo shaqada uu hayo balse waxaa ceeb ah in la sameyso warqad taariikhdeeda dib loo dhigay oo la dhaho mar hore ayaa shaqada laga qaaday.
Maxaa xaashida xil ka qaadista loo arki waayay shanti bisha July haddii ay run tahay?.
Waxaan ka hadlayaa is casillaaddi afhayeenka Wasaarada Amniga Abdulaziz Ali Ibrahim Xildhiban.
Wasaaradda warka ay soo saartay ee saxaafadda aan badankeed wax qiimeyn loo dhiibay markii uu maqlay hadalka Xildhiban.
Maalinti WEERARKU ka dhacay Wasaaradda Aminga ee 7 July ayaa Wasiirka Maxamed Abukar Islow u soo diray FARIIN Xildhibaan oo uu ku leeyahay maanta waxa dhacay ha ka hadlin oo aniga iyo Wasiirka Warfaafinta ayaa ka hadleyna ee maanta wareeysi ma bixin kartid.
Haddii 5 July laga eryay shaqada muxuu wasiirku ula hadlayay 7da isla bishan issgoo ku jira goobta uu weerarku ka socday 12:51 Daqiiqo, waliba qoraal shaqo la xirrirta.
Siyaasaddu waa farshaxan lagu abuuro maamul ee ma aha in been wax lagu qanciyo.