Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo maanta ku dhawaaqaya Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo maanta ku dhawaaqaya Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo maanta ku dhawaaqaya Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha
September 19
05:27 2016

Madaxii Xarunta Cilmi baarista iyo wada-tashiga Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu si rasmi uga dhawaaqo magaalada Muqdisho Musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha ee doorashada 30-ka October.

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo 20-kii sano ee la soo dhaafay ka soo shaqeeyay arrimaha nabadeynta iyo xalinta khilaafaadka ayaa lagu tilmaamaa Musharax miisaan leh marka la eego Musharaxiinta kale, waxaana loo arkaa inuu halis ku noqon karo damaca Madaxweyne Xasan Sheekh ku doonaya inuu mar kale xilka qabto.

Qaban qaabada munaasabada uu Musharaxnimadiisa ku soo bandhigayo Mr Jibriil ayaa labadii maalmood diyaar garowgeeda aad looga dareemayay magaalada Muqdisho, waxaana Musharraxan dhalinyarada ah la filayaa inuu la yimaado qorshayaal ka duwan Musharaxiinta kale ee illaa iyo haatan is sharaxay.

Jibriil Ibraahim Cabdulle oo ay isku beel yihiin Madxaweynaha waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, marna ay ka soo wada shaqeeyeen Hey’adda CRD ayaa lagu tilmaamaa nin xog ogaal u ah xaalada siyaasadeed ee dalka, isagoo labaatankii sano ee u dambeeyay dalka ku sugnaa howlo isugu jira jira arrimaha bulshada, sida dhiira gelinta dhalinyarada, nabadeynta iyo dib u heshiisiin ka soo shaqeeyay.

Mr Jibriil ayaa heysta fursad ka duwan tan ay heystaan Musharaxiinta kale ee horay u soo qabtay xilal, isla markaana wajiyadooda ka soo muuqday masraxa siyaasadeed, waxaana dad badan ay sheegayaan in Jibriil uu leeyahay waayo aragnimo gudaha dalka iyo caalamka ah.

Xaflada Musharaxnimadiisa uu kaga dhawaaqo ayaa lagu wadaa in Telefishinada qaar si toos ah looga sii daayo, waxaana waxyaabaha uu kaga duwan yahay Musharaxiinta kale ay tahay in Ololihiisa doorashada ay hoggaaminayaan Dhalinyaro.

Share

About Author

admin

admin

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT