Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Kenya iyo Israel oo iska kaashanaya Cirib Tirka al Shabaab

Kenya iyo Israel oo iska kaashanaya Cirib Tirka al Shabaab

Kenya iyo Israel oo iska kaashanaya Cirib Tirka al Shabaab
November 14
07:48 2011

Telaviv: Dowladda  dalka Kenya ayaa ka codsady Madaxda Maamulka Israel in ay dowladdaasi ay ka caawiso dagaalada ay ciidamadeeda kula jiraan Xarakada Al Shabaab.

Kulan uu magaalada Telaviv ee Xaruunta Maamulka Israel kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha Kenya Raila Odinga dhigiisa Maamulka Israel Binyamin Netanyahu iyo waliba Madaxweyne Shimon Peres, ayaa weydiistay sidii ay Kenya uga taqalusi la heyd Al-qaacidada bariga Afrika gaar ahaan Xarakada Al Shabaab oo iminka Ciidamada Miltariga dowladda Kenya ay kula dagaalamayaan gobolada Jubbooyinka.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in kulanka uu Ra’iisul wasaare Ra’ila Odinga kula qaatay maanta magaalada Telaviv ee Caasimadda Maamulka Israel madaxda maamulkaasi ujeedkiisu uu ahaa in Kenya lagu gacansiiyo la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in ciidamada Israel ay yihiin kuwa ugu wanaagsan marka laga hadalayo la dagaalanka argagixisada.

Kulanka ay wada qaateen Madaxda Kenya iyo Israel ayaa la sheegay in lagu adkaynayo xiriirka Israel ay la leedahay qaar ka tirsan dalalka bariga Afrika, waxaana Raila Odinga uu u sheegay Ra’iisul wasaaraha Israel in Al Shabab ay caqabta ku tahay amaanka wadamada geeska Afrika.

Tan iyo markii ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya ayaa madaxda ugu sareysa dowladda Kenya waxa ay beesha caalamka ka dalbanayeen in lagu gacansiiyo sidii loo baabi’i lahaa xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT