Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

Kenya oo Shidaal ka Baaranaysa 3900 Sq Km ee Gudaha Dhulbadeedka aagga Raas Kambooni ee Jamhuriyadda Soomaaliya

May 13
21:43 2013
  • Aagga Block L5 oo Kenya gudaha u soo gashay
  • Xukuumadda FKMG ma ka hor istaagi doontaa Kenya sahaminta ay ka waddo gudaha Badda Soomaaliya?
  • Xadka Soomaaliya & Kenya: Aagga Raas Kambooni iyo Lamu
  • Kenya oo Calaamadsatay Dhul-Badeedka Soomaaliya:
  • Damacii Kenya ee Badda Soomaaliya oo 40-jirsadey
  • Sheekadii Badda miyey Dhamaatay maadaama Baarlamaanku diiday labba goor? Arintii Difaaca Badda halkaas miyaan uga haraa?
  • Shidaal Qodida Kenya iyo Norway ee Dhulbaddeedda Soomaaliyeed
  • Go’aankii Baarlamaanku Goormuu Sharci noqonayaa?

Dalka Kenya ee Soomaaliya dariska la ah ayaa waday damaaci soo jireen ah oo ku aadan Badda Soomaaliya, damaacigaas oo hadda xilligan aan joogno 40-jirsaday. Qoraalkan waxaan kusoo bandhigi doonaa Kenya oo Cabiratay qayb kamid ah badda Soomaaliya, ugana howl gashay sidii dhul ayadu leedahay. Si kale hadaan u dhigno Kenya waxay kusoo xadgudubtay Qaranimmada Wadanka Soomaaliya, kadib markii ay shidaal baarid kasamaysay dhulbaddeed Soomaaliyeed ee aagga Raaskanbooni. Damaaciga Kenya ayaan wada arki doonaa, anagoo soo bandhigi doona qoraallo taariikhi ah iyo doodo hadda ka hor dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya. Ugu horayn aan wada akhrino Kenya oo bishii lasoo dhaafay ee September 2011, Dhul-badeedka Soomaaliya Shidaal baaris kabilowday.

Waxaa 21-kii September 2011 warbaahinta loo sheegay in shirkadda TOTAL (ee laga leeyahay dalka Faransiiska) ay iibsaneyso saamiga boqolkiiba 40% shidaal ka qodista 5 aag (Blocks) oo kala ah Block L5, L7, L11a, L11b iyo L12. Heshiiskaas waxaa shirkadda Total la gashay shirkado hore saamiyo aaggaas ugu lahaa iyo dawladda Kenya, waxaana heshiiskaas la kala saxiixday 19-kii September 2011, maalin kaddibna 20-kii September 2011 ayaa loo gudbiyey Wasaaradda Tamarka ee Kenya si heshiiskaas loo ansixiyo, taas oo in la ansixiyey saxaafadda loo sheegay 6-dii October 2011.

Shirkad kamid ah shirkadaha saamiga ku leh aaggaas waxay sheegtay in sannadkan 2011 ay sahaminta shidaalka aaggaas u qoondaysay US$6 million oo wajiga hore ah. Waxaana warbaahinta loo sheegay in aaggaas laga sameeyey sahaminta nooca loo yaqaan 2D Seismic iyo in dhawaan ay soo gabagaboobeyso in qaar kamid ah aaggaas lagu sameeyo 3D Seismic – taas oo ah farsamo sahamin oo lagu ogaado in badda hoosteeda uu ku jiro shidaal. Waxaana markaas qorshaysan in ceelka koowaad aaggaas laga qodo 2012.

Aagga Block L5 oo Kenya gudaha u soo gashay

Haddaba, BLOCK-yadaas (ama xirmooyinkaas) waxaa kamid ah BLOCK L5, kaas oo gudaha u soo galay Dhul-Badeedka Jamhuriyadda Soomaaliya.

Marka la eego khariidadaha ay faafiyeen shirkadaha heshiiska la galay Kenya, waxay muuninayaan in aagga Block L5 uu qiyaastii 150 km oo toos ah gudaha ugu jiro xuduudka Soomaaliya ee dhanka Koonfur kaga aaddan Kismaayo, aagga Raas Kambooni.

Khariidadaha la faafiyey waxaa ka mid ah tan hoose oo ay faafisay shabakadda Energy-Pedia.com (ee ka soo baxda London, waxna ka qorta arrimaha la xiriira tamarta).

Khariidadaas waxaa si waadax ah uga muuqda in Block L5 uu gudaha ugu jiro dhulbadeedka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sidoo kale khariidadda hoose oo ay faafisay Petroview waxay muujinaysaa habkaas sare mid la mid ah oo cabirka aagga Block L5 uu gudaha u soo gelayo xuduudka Soomaaliya.

Marka la eego khariidadaha la faafiyey waxay muujinayaan qaabka Block L5 ay Kenya ugu soo xad gudbeyso in uu yahay muuqaal la mid ah sidii ku sawirnaa khariidadihii ay Kenya u gudbisatey Qarammada Midoobey 2009 markii uu heshiiskii Is-afgarad (MoU) dhexmaray DFKMG iyo Kenya.


EEG: http://www.un.org/depts/los/clcs_new/submissions_files/ken35_09/ken2009_map1.pdf

Marka la xisaabiyo bed ahaan inta uu leekaanayo baaxadda badda ee ay Kenya gudaha u soo geleyso dhulbadeedka (Somalia Territorial Water) waxaa bedkaasi noqonayaa 3900 sq km. (Akhri qaab xisaabintii Saalihi (pdf))


Eeg qormada Saalihi: http://somalitalk.com/2011/badda/saalihi.pdf

Baaxaddaas Bedka lagu soo Xadgudubey oo ah 3900 sq km waxa uu qiyaas ahaan 8 jeer ka weyn yahay bedka dhulka dalka Seychelles oo ah 455 sq km.

Haddaba, maadaama baarlamaanka Soomaaliya uu October 8, 2011 soo saaray xeer iska hor taagaya cid kasta oo ku soo xadgudubta dhulbadeedka Soomaaliya, markaas xukuumadda FKMG waxaan weydiineynaa in ay Kenya iska hortaagi doonto xadgudubka ay kula kacayso qarannimada dhulka Badda Soomaaliyeed? Waxaana shacabka Soomaaliyeed ay Xukuumadda FKMG iyo Baarlamaankaba ka filayaan inay si rasmi ah Kenya uga dalbadaan in ay faraha kala baxdo ku soo xad gudubka dhulbadeedka Soomaaliyeed, islamarkaasna bedesho khariidadaha ay sida khaldan ugu caalaamadsanayso Block L5 oo ay aad ugashay gudaha badda Soomaaliya, taas oo Kenya ay usoo leexisay xarriiqda xuduud badeedka dhanka Raaskamboni ee Kismaayo.

Xukuumadda FKMG ma ka hor istaagi doontaa Kenya sahaminta ay ka waddo gudaha Badda Soomaaliya?

Waxaan Soo aragnay ku xadgudubka Badda Soomaaliya ay Kenya kusoo xadgudubtay, kadib markii uu‘u shaqayn waayey heshiiskii MOU ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke lagashay, inay si toos ah dhulbadeed Soomaaliyeed kabaaranayso shidaal. Hadaba su’aasha is waydiinta leh ayaa waxay tahay Dowladdaha Shariif Axmed Madaxwaynaha ka yahay, Kenya ma ka hor istaagi doonaan xadgudubkeeda? Intaanan Jawaabta u galin, aan dib u jaleecno cilmi baaristii SomaliTalk badda kasamaysay 2009, si toos ahna Dowladihii Shariif Axmed ugu gudbisay si ay wax uga qabtaan soo galitaanka Kenya ay soo gashay Badda Soomaaliya, Sanadkii 2009. Qaybta khusaysay Kenya iyo inay kusoo durugtay aaga Raas Kanbooni hoos ka akhri;

Xadka Soomaaliya & Kenya: Aagga Raas Kambooni iyo Lamu

Xadka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya waxa uu ku dhammaadaa dhul siman oo xeebta ah. Marka xeebta laga bilaabo xarriiq fogaan is-leeg u jirta labada dal, waxay xarriiqdaasi gaareysaa barta ku beegan Loolka iyo Dhigta 3° 30′ S, 44° 19′ E – waa marka ay xarriiqdaasi (oo ka bilaabaneysa xeebta barta 1° 39′ 13″ S, 41° 34′ 02″ E) ay gaarto fogaan xeebta si toos ah uga durugsan 200 nmi (oo ah Aagga Gaarka ah ee Ganacsiga), sida ka muuqata Khariidadda hoose.

FG: Xusuuso in aan soo xusnay in xeerka badaha adduunku dhigayo in fogaanta laga cabirayo badda ay noqoto mid toos ugu beegan xeebta – Dawladdii Soomaaliyeed arrintaas aad ayey ugu dhaganayd, waayo, sida aan hoos ku arki doono, faa’iido ayaa Soomaalida ugu jirta in la raaco xeerkaas marka la cabbirayo xadka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.


Khariidad muujineysa Loolka iyo Dhigaha Xadaynaya badda u dhaxaysa Somalia iyo Kenya.

Maadaama xeebta u dhaxaysa Kenya iyo Soomaaliya ay ku dhereran tahay jihada KoonfurGalbeed – WaqooyiBari (SW-NE), markaas xarriiqda xadaynta badda ee labada dal u jirta fogaan is-leeg waxaa loo cabirayaa dhanka jihada KoonfurBari (SE). Inkasta oo ay dhici karto in Kenya ay sheegi karto in xarriiqdaasi ay xagal daacineyso Kenya, haddana Soomaaliya waxaa Juquraafi ahaan xagal daaciyey Jasiiradda Suqadara iyo jasiiraha ku xeeran, oo 55 nmi oo keliya u jira Raas Casayr, oo ah cirifka WaqooyiBari ee Afrika.


Khariidad: Jihada Xadka Soomaaliya iyo Kenya Eeg sawirka oo weyn….

Cabbiradii iyo xadkii badaha ee hore loo sameeyey iyo wixii Soomaalidu ka aaminsanaayeen in la ogaado muhiimad weyn ayey leedahay si loola xisaabtamo dalalka (xadka badda kala wadaaga) marka ay xogta cabbirada cusub ee badahooda u gudbiyaan Qarammada Midoobey. Arrintaas oo muran keeni karta haddii dalalkaas cabbirkooda u xadeeyaan qaab aan Soomaalidu aqbali karin.

Sida aan kor kusoo xusnay, xeebta u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya waxay dhacdaa loolka iyo dhigta (1°39’13″S, 41°34’02″E). Halka barta xadayneysa fogaan xeebta u jirta 200nmi (370.4km) ay dhacdo loolka iyo dhigta (3°30’S, 44°19’E) – cabbirkan oo ay ogeyd dawladdii Soomaaliyeed. Haddaba marka cabbirka laga bilaabo xeebta oo toos loo socdo dhanka badda fogaan cusub oo ah 350 nmi waxaa markaas (qiyaastii) barta cusub ee xadayneysa badda Soomaaliya iyo Kenya ay dhacaysaa loolka iyo dhigta 4°54’13″S, 46°24’55″E. Waxaana halkaas ka soo baxaysa xarriiq muhiim u ah xadaynta badda u dhaxaysa labada dal, taas oo la barbar dhigi karo cabbirada ay Kenya u gudbiso Qarammada Midoobay.


Xarriiqda isku xirta xeebta iyo fogaanta 350nmi.. Eeg Loolka iyo Dhigaha xarriiqdaas
FG: Si aan u helo cabirka loolka/dhigaha waxaan adeegsaney Java & xeerka Haversine

Dhanka kale, sida aan kor kusoo xusnay, Xeerka badaha ee hadda la doonayo in la dhaqangeliyo, waxa uu qeexayaa haddii May 13, 2009 aysan dalalku ku keenin cabbirka khariidadaha ee xadaynaya badda wixii ka baxsan 200nmi, waxaa markaas badda wixii intaas bannaanka ka ah la wareegi doona hay’adda ISA, taas oo ka kirayn karta dalal kale si ay uga kalluumaystaan ama macdan iyo batrool uga baartaan. Taasi waa muhiim in lagu baraarugsanaado waxsoosaarkii hore ee kalluunka Soomaaliya.

Kenya oo Calaamadsatay Dhul-Badeedka Soomaaliya:

Warbixinta qaybteeda sare markii aan dhamaynay, una gudbinay xubno ka tirsan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG), ayaa waxaa bogga Qarammada Midoobay 10kii Maarso 2009 lagu daabacay qoraal ay Kenya u dirtay UN-ta qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha. Qoraalkaas oo ay la socdaan cabbiro iyo khariidado muujinaya in Kenya ay xadkeeda ku darsatay dhul-badeed ballaaran oo ah badda Soomaalida.

Dhul-badeedka Soomaaliya ee ay Kenya baddeeda ku darsatay, si xeel dheer si loogu fahmo waxaan qaybtan gogoldhig uga dhigaynaa heshiisyadii dhexmaray Ingriiska iyo Talyaaniga ee xadka loogu sameeyay dhulka Soomaalida.

Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga ayaa waxaa dhex maray heshiis dhacay 15kii July 1924, laakiin ay isku raaceen 17kii December 1927, heshiiskaas oo ku saabsanaa calaamadinta xadka Soomaaliya iyo Kenya. Xadayntaas waxaa ku cad in shanta (5) jasiiradood ee loo yaqaan LAMA SHAAQA ay leedahay Soomaaliya, jasiiradahaas oo Koonfur ka xiga Raas Kambooni – macnaha ay arrintaasi u leedahay xadaynta badda gadaal ayaan ka arki doonaa. (FG: Xadka laga hadlayay waxa uu NFD raacinayay dhanka Kenya. Soomaaliduna ma aqoonsanayn taas maadaama NFD ka maqan tahay, laakiin sida aan warbixinta hoose ku arki doono, Kenya waxay hadda kusoo xad gudubtay xadkii xilligaas loo kala calaamadiyey Somalia iyo Kenya).

16kii iyo 26kii June 1925 xiriir dhexmaray safiirkii Boqortooyada Ingriiska u fadhiyay magaalada Rooma iyo madaxa dawladda & Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqorkii Talyaaniga ayaa waxay isku raaceen halka la marinayo xadka dhanka Koonfureed ee Soomaaliya-Kenya. Waxaana heshiiskaasi dhigayey in “Raas kambooni iyo jasiiradaha u dhaw ay hoos tegayaan dhanka Soomaaliya”.

Guddi labada dal (Ingriis-Talyaani) waxay xilligaas u xilsaareen arrinta xadaynta waxay ogaadeen in ay jiraan lix jasiiradood oo ku dhaw Raas Kambooni. Mid jasiiradahaas kamid ah waxay ku dhagan tahay Raas Kambooni, 5-ta kale waxay qiyaastii 2km dhanka Koonfur-Galbeed kaga aaddan yihiin Raas Kambooni, waxaana loo yaqaan Lama Shaaqa (Isolotti Lamasciaca ama “Diua Damasciaca”). Jasiiradahaas tan Koonfurta ugu xigta waa dhagac weyn oo cabbirka dhexroorkiisu yahay 50 mitir. Heshiiskaas waxaa si qeexan ugu qoran in “Jasiiradaas yar ee Koonfurta ugu xigta 5-ta jasiiradood ay tahay barta xadaynaysa badda Kenya iyo Soomaaliya. (Waa haddii marka hore aan laga hadlin NFD oo xadku halkaas dhanka Koonfureed ka sii xigi karo.)

Qoraal kale oo ay is dhaafsadeen Talyaaniga iyo Boqortooyada Ingriiska, 22kii November 1933, ayaa sii xaqiijiyay xarriiqda iyo barta xadayneysa badda Kenya-Soomaaliya, waxaana qormadaas (Italy-Britain) ku qeexan in: xarriiqda xadaynaysa badda (Soomaaliya-Kenya) waxay dhanka Galbeed ka maraysaa cirifka Koonfureed ee jasiiradda Koonfurta ugu xigta 5-ta jasiiradood ee LAMA SHAAQA. Waxayna xarriiqdaasi u soconeysaa jihada Koonfur-Bari, waana xarriiq toos ah oo xagal qumman (90°) ugu qotonta jihada ay xeebtu ku dherersan tahay (taas macnaheedu waa: maadaama barta xadka kaga beegan xeebta ay jihadeedu tahay WaqooyiBari – KoonfurGalbeed, markaas xagasha taas ku qotonta jihadeedu waa dhanka KoonfurBari, sida aan ku soo aragnay dhanka sare ee warbixintan).

Dowladii Somaaliyana waxay xiligeedii ma dhaafin cabirkii (Italy- Britain) ay waagaas sameeyeen. Waxaa xusid mudan in labada dalba lagumaystay oo wadanka Soomaaliyana xornimmada ka hor qaaday Kenya, waxaa kaloo jirtay in wadanka Soomaaliya xornimmadii kadib, uu wadanka Kenya xaga Military-ga uu aad uga horeeyey, ama aad uga xoogbadnaa, laakiin labadaas arrimood ma keenin in wadanka Soomaaliya ku xadgudbo xuduud-beenaadka gumaysigu sameeyeen oo Kenya loogu sadburiyey. Mana dhicin inuu iska cabirto badda waagaas Kenya loo qoondeeyey, waxaanse marnaba reebanayn sheegashada iyo doonista in dalka xooga laga gooyey uu kamid yahay Soomaaliya, inuu dib ula soonoqdana ay ka go’antahay.

Arrimahaas oo jira ayaa Kenya waxay si aan gabasho lahayn hadda u cabiratay dhul-badeed baaxad weyn oo ka mid ah biyaha badda Soomaalida, sida ku cad wareegtada hoose ee uu saxiixay madaxweynaha hada ee Kenya.

Wareegto ka soo baxday Dawladda Kenya, 22kii July 2005, laguna baahiyey faafinta rasmiga ah ee dawladda (Kenya Gazette, No. 55), waxaa ku qoran cabbirro iyo khariidad si cad u muujinaya in Kenya ay si bareer ah u cabbiratay dhul-badeedka Soomaalida.

Wareegtada oo 9kii June 2005 uu saxiixay Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki, qodobkeeda 1aad, farqadda (b) waxaa ku qoran in xadka dalkiisu dhanka badda kala wadaago Soomaaliya ay xadayso Koonfurta Jasiiradda Lama-Shaaqa oo dhacda Loolka 1°39’34″S. Loolkaas oo u soconaya Jihada Bari, sida ka muuqata khariidadda hoose oo qayb ka ah wareegtada Kenya. Waxaana jira qoraal ay xukuumadda Kenya u dirtay Qarammada Midoobay 25kii April 2006 kaas oo xusatay wareegtadaas.

Khariidadda ka muuqata sawirka hoose, qoraal muujinaya cabbirada ay Kenya sheeganeyso iyo saxiixa madaxweynaha (Kibaki) waxaa 10kii March 2009 lagu daabacay bogga UN-ta ee lagu daabaco xogta loo gudbiyo Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha.


Khariidadda xadaynta ee Kenya u gudbisay UN-ta

Marka la eego khariidadda ay Kenya samaysatay, barta cusub ee xadka dhul-badeedka Kenya waxay toos ugu beegan tahay magaalada Kismaayo, islamarkaasna waxay fogaan ka badan 210km Waqooyi ka xiga calaamaddii hore ugu xadaysnayd labada dal.


Xarriiqda jihada bari (Kenya ayaa samaysatay), xarriiqda Koonfur-bari (xadka rasmiga ah)

Sida aan warbixinta meelo badan kaga soo xusnay, xarriiqda rasmiga ah ee xadaynta dhul-badeedka Soomaaliya iyo Kenya ee ay ogeyd Dawladdii Soomaaliyeed waa xarriiq toos ugu beegan xeebta (bartii ay calaamadiyeen Ingriiska iyo Talyaanigu markii ay dhul Soomaaliya ka mid ah siiyeen Kenya). Xariiqdaasi jihadeedu waa Koonfur-Bari (in arrintaas lagu celceliyo waa muhiim). Waxaana halkaas ka soo bixi doona sida aysan suurtagal u noqon karin in Dawlad Soomaaliyeed iyo shacabkeedu ay aqbalaan cabbirka ay Kenya samaysatay 2005, balse la soo shaac bixiyay 10kii March 2009. Cabbirkaasi waxa sida muuqata uu deel-qaaf iyo xad gudub ku yahay xornimada Soomaaliya.


Jihada Xarriiqda xadaynta Kenya iyo Soomaaliya

Buugaag badan ayaa laga qoray halka uu maro khadka kala qaybiya xadka dhul-badeedka Soomaaliya iyo Kenya. Dhammaan buugaagtaasi waxay muujinayaan in xarriiqda xadaysa ay jihadeedu tahay Koonfur-Bari. Buugaagtaas waxaa ka mid ah buugga cinwaankiisu ahaa “Ammaanka deegaanka iyo caddaalada dalalka ku xeeran Badweynta Hindiya”[28] oo la qoray 2008, bogga 104-105 (Doyle & Risely 2008, 104-105). Buugaasi qaybta ka hadlaysa dhul-badeedka Soomaaliya iyo xadka dalalka deriska la ah waxaa ka mid ahaa hadaladiisii qormadan hoose:

Soomaaliya oo xeebteedu tahay qiyaastii 3,300km, waa dalka ugu xeebta dheer Qaaradda Afrika. Xeebtaas dheer awgeed, Soomaaliya waxay sheegan kartaa bad baaxaddeeda lagu qiyaasay 1.2 million Square Kilometers (Jennings 2001, 404). Inkasta oo qiyaasta cabbirkaas aan la hubin, waayo majiro xad ay Soomaaliya la waafaqday dalalka deriska la ah. Soomaaliya waxay saxiixday Xeerka badaha Adduunka ee Qarammada Midoobay, waxayna xeerkaas ansixisay 24kii July 1989.

Sharciga Soomaaliya ee No. 37 (September 10, 1972) waxaa ku cad in fogaan dhanka badda oo 200 nmi xeebta u jirta in ay ka mid tahay dhulka Soomaaliya, halka habka caadiga ee adduunka (wadammada kale) uu yahay 12nmi (LOSC, Article 3). Taasi waxay xilligaas sababtay mucaaradad kaga timid Maraykanka (Roach & Smith 1996, 158-61).

Waxaa in la xasuusto mudan in cabbirka 200-nmi ee dhul-badeedka Soomaaliya ay sheegatay uu ka horeeyey intii aysan Soomaaliya saxiixin oo hirgelin xeerka badaha Adduunka. Xaqiiqo ahaan Soomaaliya lama keli aha in 200-nmi oo fogaan dhanka badda ay dhulkeeda ka mid tahay. Dalal dhawr oo leh xeeb ayaa sidaas oo kale sameeyey. Arrimahaasi waxay ka tarjumayaan rabitaanka dalalka xeebaha leh ay doonayaan in ay kordhiyaan baddooda si ay u yeeshaan maamulidda khayraadka dabiiciga ee ku jira badda (Prescott & Schofield 2005, 34).

Markii la sameeyey xeerka Qarammada Midoobay ee dhigaya in dalalka xeebaha leh ay yeelan karaan 200-nmi oo bad ah oo ay u adeegsan karaan xagga ganacsiga (aagga EEZ), waxaa dalal badani ka laabteen sheegashadii in badda ilaa 200-nmi ay ka mid tahay dhulkooda, waxayna ku ekaadeen 12nmi. Laakiin dalal dhawr ah ayaa ku adkaystay in 200nmi ay ka mid tahay dhulka dalkooda, waxaana dalalkaas Soomaaliya ku weheliya Liberia iyo Sierra Leone.

Sidoo kale maadaama Soomaaliya aysan ka jirin dawlad dhexe oo shaqayneysa xiligan, siday DFKS ku andacoonayso, weli khad sugan (ama cabbir rasmi ah) looma samayn xadka badda ee ay la wadaagto dalalka deriska la ah: Jabuuti oo Galbeed kaga aadan, Yemen oo Waqooyi iyo Waqooyi Bari ka xigta iyo Kenya oo xigta dhanka Koonfureed. Ugu dambayntii marka ay Soomaaliya bilowdo in ay xadka badda kala xaajooto dalalka deriska la ah haday kusoo durkaan, waxaa jiri doono muran u dhaxaydoona Soomaaliya iyo labada dal oo ah Yemen iyo Kenya.

Badda Khaliijka Cadmeed labadeeda gebi ee iska soo horjeeda (ee Soomaaliya iyo Yemen) waa dhul siman, sidaas daraadeed waxay u muuqataa in aan muran badani ka iman karin oo ay xadayn karto xarriiq labada dhinac isku in u jirta. Laakiin, Jasiiradda Suqadara ee Yemen ayaa caqabad weyn ku ah baaxadda badda Soomaaliya, taas oo adkayn karta heshiis laga gaaro aaggaas.

Marka laga hadlayo xadka badda Soomaaliya iyo Kenya, marka la eego xarriiqda isku in u jirta labada dal waxay u soconeysaa jihada Koonfur-Bari, waxaana jihada xarriiqdaas xaddidaya waa xeebta laga cabbir qaadanayo dhanka ay u jihaysan tahay iyo jasiirad yar oo ay leedahay Soomaaliya oo aagga ku taal (Prescott & Schofield 2005, 465-66). Arrintaasi maadama Kenya aysan jeclaysan, waxay qaadatay go’aan ay la gaar tahay (iyadoo jebineysa xeerkii badaha oo ay saxiixday, kuna soo xad gudbeysa xornimada Soomaaliya), waxayna Kenya ku andacootay xarriiqda xadayneysa aagga EEZ ee badda ay la wadaagto Soomaaliya in ay tahay mid u soconeysa dhanka “Bari” oo maraysa loolka 1° 38′ S. Xarriiqdaas oo fogaan badan aad Waqooyi uga xigta xarriiqda xadka badda Soomaaliya-Kenya ee aan kor kusoo xusnay ee ahaa jihada Koonufur-Bari (Bradley et al. 2000, 192, 288).

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka leh xeebta aadka u dheer ee dhinaca bad Waynta Hindiya u furan oo aan dalal kale kaga soo dhaweyn. Dalalka badda furan waxay sheegan karaan baaxad ka weyn 200nmi, ayadoo la raacayo Article 76 ee xeerka Qarammada Midoobay. Dalalkaas sidaas sheegan kara waxaa ka mid ah Australia, New Zealand, Brazil, Namibia, Soomaaliya iyo Hindiya. (Prescott & Schofield 2005: 51).

Halkaas haddii aan kaga gudubno qoraalladii buugaagta, waxaa kale oo jirta daraasad ay samaaysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, oo soo baxday 14kii May 1973, kuna saabsan xadka Kenya-Soomaaliya. Daraasaddaas oo tixraacaysay xadayntii ay sameeyeen Boqortooyadii Ingriiska iyo Talyaaniga, waxay xarriiqda xadaynta (Soomaaliya-Kenya) marineysaa meel dhanka Koonfureed ka xigta jasiiradda Koonfur ugu xigta 5-ta jasiiradood ee Lama Shaaqa. Daraasaddaas oo ay sii faafisay Jaamacadda Florida State University, qaybteeda sharciga, waxaa ku cad in xariiqdaas xadaynta ay jihadeedu tahay Koonfur-Bari.


Xariiqda xadaynta Kenya-Soomaaliya jihadeedu waa Koonfur-Bari

Khariidadda cusub ee Kenya u samaysay xadka baddeeda, waxay ku sheegatay in bedka dhul-badeedkeedu (aagga EEZ) yahay 142,400 km2, cabbirkaas oo aad uga badan cabbiradii hore ee ku qoran buugaagtii, warbixinadii iyo kharidadihii hore loo sameeyey.

Tusaale ahaan, hay’adda ICSF[30] (oo ah NGO caalami ah oo xafiisyo ku leh Belgium iyo Hindiya) oo warbixin ka diyaarisay bedka dhul-badeedka dalal ku xeeran Badwaynta Hindiya ayaa si qeexan u muujisay in bedka badda (EEZ) ee Kenya uu yahay 104,700 km2. Halkaas waxaa ku cad in cabirka cusub ee Kenya uu gudaha badda Soomaaliya ugu jiro dhul-badeed baaxaddiisu dhan tahay in ka badan 37,700 km2.

Marka khariidadda laga xisaabiyo, ayadoo la adeegsanayo loolka iyo dhigaha ay Kenya calaamadsatay, waxaa soo baxaya in Kenya ay baddeeda ku darsatay dhul-badeed baaxadiisu gaareyso in ka badan 38,000 km2 oo ah bad Soomaaliyeed, sida ka muuqata sawirka hoose.


Saddexagalku waxa uu muujinayaa baaxadda dhul-badeedka ay Kenya ku darsatay baddeeda.

Waxaa dhici karta in Kenya si indha-sarcaad ah ugu andacooto in jihada xarriiqda ay u samaysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya tahay mid la barbarro ah jihada xarriiqda xadaysa Kenya iyo Tanzania. Ugu horayn juquraafi ahaan waa kala duwan yihiin labada xad, waayo xarriiqda xadaynaysa Kenya iyo Tanzania waxaa xanibaya jasiirad ay leedahay Tanzania oo aan xeebta aad uga fogeyn, taas oo lagu magacaabo Pemba (oo loo yaqaan ‘Al Jazeera Al Khadra’ ama jasiiraddii cagaarnayd, taas oo dhanka Waqooyi ka xigta Zanzibar).

Sida ka muuqata khariidadda hoose, marka laga cabbir qaato jasiirada Pemba, waxaa la jeexayaa xarriiq isku in u jirta Kenya iyo Tanzania (maadaama jasiiradda ay leedahay Tanzania), xarriiqdaasi waxay u socota jihada Bari. 9kii July 1976 ayay xadkaas iyo jihada xarriiqdaas Kenya iyo Tanzania isku raaceen.

Dhanka xadka Kenya iyo Soomaaliya, maadaama jasiiradaha ku yaal aaggaas ee Lama Shaaqa ay leedahay Soomaaliya, islamarkaasna ay tahay in la raaco xeerka badaha oo ay Kenya iyo Soomaaliya ansixiyeen, waa in xarriiqda xadaynaysa labadaas dal ay noqoto mid isku in u jirta, isla markaasna u socota jihada Koonfur-Bari. Taas macnaheedu waa in xarriiqdaasi marto meel Koonfur ka xigta jasiiradahaas, sida aan ku soo aragnay qaybaha hore ee warbixintan. (Xusuuso nidaamka la raacay aagga ku beegan jasiiradaha Suqadara).


Kharidad muujineysa xadka u dhaxeeya Somalia-Kenya-Tanzania. Isha: www.seaaroundus.org

Marka la dhuuxo cabbirada aan kor kusoo aragnay ee Kenya samaysatay, waxaa laga soo dhiraan-dhirin karaa in ay dooneyso khad cusub oo ay mariso xadkeeda marka ay xogta rasmiga ah u gudbiso Qarammada Midoobay qaybta u qaabilsan Xadaynta Badaha. Islamarkaas waxaa la xisaabin karaa baaxadda dhul-badeedka ay Kenya damci karto inay baddeeda ku darsato iyadoo xeebta ka cabiraysa fogaan ah 648km, oo xarriiqda xadaynta si khaldan ugu jihayneyso dhanka Bari, meshii laga rabay (KoonfurBari). Haddii taasi dhacdo, khariidadda hoose ayaa muujineysa baaxadda dhul-badeedka Soomaaliyeed ee Kenya ku darsan karto baddeeda.


Waa haddii Kenya ay xarriiqda xadaynta u dhaqaajiso bari fogaan ah 648km?

Damacii Kenya ee Badda Soomaaliya oo 40-jirsadey

Jawaabta Su’aashii kor aan kusoo xusnay, waxaa laga sugayaa Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed, maadaama Dowladdaha meel ku gaarka ah ee Shariif Axmed ay xogtaas u ogaayeen si toos ah iyo si dadbanba, inta la’ogyahayna ilaa hadda wax talaabo ah aysan ka qaadin soo xadgudubka Kenya. Goormuu soo bilowday Damaaciga Kenya ku doonayso Barriga iyo Badda Soomaaliya inay ku sad bursato? Arinta Barriga ee Gobolada NFD xiligeeda ayaan ka hadli doonaa, taariikh dheerna waa leeyihiin,hase ahaatee iyadoo kooba ka akhri isafgaradkii Caruusha ee lagu malgay NFD. Taariikhadan kooban oo aan shaacinay mar hore aan wada guud maro, si aan u ogaano, xiliga uu soo bilowday Damaaciga Kenya.

1960-1967: Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay, waxay Dastuurkeeda ku qeexday in dhulkeeda xorta ah uu soo hoos gelayo Dhul-badeedka (Territorial Sea). Dawladdii Soomaaliya sannadkii 1967 ayey fogaantii xadka Territorial Sea ee ahaa 12 mayl-badeed ee gumaystayaashii dejiyeen waxay ka dhigtay 200 mayl-badeed (370.4km) Territorial Sea.

1970: Arrintaas oo meel u taal Soomaaliya, ayaa waxaa bilowday kullamo xiriir ah oo dawladaha adduunku ugu gogol dhigayey xeerka badaha adduunka. Waxaa qabsoomay kullamo badan oo looga hadlay qaabkii loo xadayn lahaa badaha. Waxaa kullamadaas ka mid ahaa kulan 1970 lagu qabtay magaalada Accra, Ghana oo ay soo qaban qaabiyeen guddigii wadatashiga ee xagga sharciga oo lagu magacaabi jirey AALCC (Asian African Legan Consultative Committee) oo ay xubno ka ahaayeen dalal Aasiya iyo Afrikaan ah. Kulankaas waxaa loo ballamay in kulanka xiga laga hadlo cabirka dhul-badeedka ay sharci ahaan u yeelanayaan dalalka xeebaha leh.

1971: Kulankii xigey waxaa sannadkii 1971 lagu qabtay magaalada Colombo, Sri Lanka. Kulankaas ayaa Kenya markii ugu horeysey arrinta EEZ si aad ah uga hadashay. Waxaana waftigii Kenya oo uu hoggaaminaayey Mr. Felix Njenga ay aad ugu ololaynayeen arrinta EEZ. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka arrinta EEZ aad uga soo horjeedey, kuna adkaysanayey Territorial Waters.

1972: Kulankii xigey ee 18-25 January1972 lagu qabtay magaalada Lagos, Nigeria ayaa Kenya waxay soo jeedisey in EEZ laga dhigo 200 nautical miles. Qoraagga Buugga “Eastern African States and the Exclusive Economic Zone”, oo ka hadlayey sababta ay Kenya u soo jeedisey in badaha lagu xadeeyo 200 mayl-badeed oo ah EEZ iyo hab fikirkii Kenya ee xilligaas waxa uu qoray sidan:

Mr. Njenga oo hoggaamiye ka ahaa waftiyada Kenya uga qayb galayey shirarka looga hadlayey xadaynta badda waxa uu qiray “Waxaa xaqiiqo ah in ay jiraan dalal leh (sheegtay) dhulbadeed ah 200 mayl-badeed oo ah TERRITORIAL SEA, sida dalal ka mid ah Latin America iyo dalal Afrikaan ah oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Sierra Leone.” Waxana uu Mr. Njenga intaas raaciyey “Fursadda keliya oo jirta si dalalkaasi ay uga laabtaan meesha ay ka taagan yihiin go’aanada qaran ee ay hore gaarey, waa in la soo jeediyo nidaamka EEZ oo ah 200 mayl-badeed oo lagu casumo, taas oo ah fursadda ugu weyn oo ay ku aqbali karaan xad caalami ah.”

Qoraaga Buugga oo sii watey hab fikirkii Kenya ee xilligaas waxa uu qoray: “Soo jeedinta Kenya ay soo jeesidisey in la qaato nidaamka EEZ oo ah 200 mayl-badeed, waxaa arrintaas ku sababay ayadoo ay jireen dalal leh 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters. Soo jeedintaas Kenya ee EEZ waxay markaas rajaynaysey in ay dalalkaasi ka tanaasulaan 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters, kuna bedeshaan 200 mayl-badeed oo ah EEZ.”

Waftigii Soomaaliyeed ee shirarkaas ka qayb galay oo si kulul u diidanaa qorshaha EEZ, waxaa hadalkoodii shirarka ka soo jeediyeen ka mid ahaa: “Arrinta caqli galka ah ee xadka Badda ee Qaranku leeyahay waa in ay ahaato Dhul-badeed ah Territorial Sea, ee ma aha in ay ahaato Aagga Dhaqaale EEZ (Exclusive Econmic Zone). Dalalka soo koraya waxaa faa’iido ugu jirtaa oo dan u ah in dhulbadeed kooda Territorial Water uu ku xadaysan yahay 200 maylbadeed.” Waxaan waftiga Soomaaliyeed ay si qayaxan u sheegeen muhiimadda ay leedahay Territoril Waters, isla markaana hab fikirka EEZ uu yahay mid khaldan oo aan la socon karayn waaqaca.


Dhulbadeedka Soomaalia Territorial Sea (200 mayl-badeed)
Wixii ka dambeeyey 2009 waxaa loo ogol yahay in ay ku darsato 150 nautical mile oo dheeraad ah

August 1972 ayey ahayd isku daygii ugu horeeyey ee Kenya ay guddigii Seabed Committee u gudbisey qoraal (draft) ay ku taageereyso “In dhammaan dalalka dhul-badeedkooda territorial Waters lagu xadido 12 mayl-badeed”.

Soomaaliya arrintaas Kenya u ololaynaysey si adag uga hortagto, ayaa dawladdii Soomaaliya waxay 10kii September 1972 Muqdisho ka soo saartay sharciga Law No. 37, kaas oo qeexaya dhul-badeedka Soomaaliya in uu yahay Territorial Sea , kaas oo xoojinaya sharcigii Soomaaliya ay hore u soo saartay 1967 oo Badda Soomaaliya ku xadaynayay 200 mayl-badeed oo ah (TERRITORIAL SEA).

Sheekadii Badda miyey Dhamaatay maadaama Baarlamaanku diiday labba goor? Arintii Difaaca Badda halkaas miyaan uga haraa?

Somalia mapSu’alaahalaan iyo kuwo kaloo badan ayaa muwaadinka Soomaaliyeed is waydiinayaan, jawaabta oo kooban waa su’aal kale! Maxay ku salaysanyahay damaca Shisheeye ee ku ‘aadan Badda Soomaaliya? Muddada dheer ee aan daraasada ku samaynaynay badda Soomaaliya 2007 ilaa hadda, arrimaha muuqda ayaa waxaa kamid ah in loo socdo khayraadka ku jira Badda Soomaaliya, gaar ahaan meesha xuduuda badda aan ka wadaagno Kenya.

Norway waxay ku howlanayd sidii Kenya ay uga caawin lahayd sidii ay ula wareegi lahayd dhulbaddeedka aagga Raas Kanbooni, waxaana London lagu soo dajiyey qorshayaasha iyo nidaamka Badda Soomaaliyeed gacanta ka bixinaya, waxaana kuligeed Wasiiradaii Badda ee DFKM si is daba joog ah ugu noq noqdeen dalka ingiriiska oo ay sheegeen inay kala yimaadeen qorshe qeexaya xadayn cusub oo ah in laga tanaasuro 200nm oo Terrotorail water ah, loona badalo nimaad kale oo ka dhigaya 12nm Dhulbaddeedka Soomaaliya, loona guuro qorshihii EEZ-ga ee Baarlamaanku diiday. Arintii difaaca badda hada ayey gun iyo caar bixisay, maxaa yeelay waxaa si qayaxan usoo if baxay damacii Kenya iyo reer Yurub ee waalaa, maadaama Kenya bilowday Dhul Soomaaliyeed inay Shidaal ka baarato, difaaca badda hada ayaa meeshii la isku hayey xaqiiqadiisii lagaaray, xukuumadda Soomaaliyana laga rabaa inay waajibkeeda gudato.

Shidaal Qodida Kenya iyo Norway ee Dhulbaddeedda Soomaaliyeed

Waxaan kusoo aragnay qoraalada kore in Kenya damac kujiray xiligii todobaatameeyadii (1972), laakiin masuuliyiintii Soomaaliyeed gaashaanka u daruureen, Kenya xiligaas waxay ku qanacsanayd una doodaysay in la tirtiro Dhulbaddeed (territorial waters) lagana dhigo Aaga gaarka ah ee dhaqaalaha (EEZ) arintaas markay arkeen Masuuliyiintii Soomaaliyeed ee xiligaas joogtay waxay soo saareen XEERKA BADDA SOOMAALIEED, NO. 37. Waxaase nasiib daro ah in Madaxwaynaha Kenya xiligan Kibaki uu 2005 kusoo xadgudbay badda Soomaaliya, kuna darsaday cabir uu Qarammada Midoobay u gudbisaday, isagoo sheeganaya in aaga Block L5 kuyaalo in Kenya leedahay loogu daro khariiradahii horay Kenya uga diiwaan gashanaa QM.

Waxaase taas ka naxdin baddan in dhigiisa xilligan Shariif Sh. Axmed xukuumaddiisu u saxiixay/ogolaaday 2009 heshiis Kenya u sahlaya in dammaceedu hirgalo, waxaase laalay MOU Baarlamaanka isla sanadkaasba.


Waxaa xukuumadda FKMG Saxiixay C/raxmaan C/shakuur

Norway ayaa Soomaaliya horay shidaal uga baartay xiligii Siyaad Barre, kadibna shirkado ka horeeyey heshiis lala galay ayaa soo baxay taasina waxay kaliftay in dib loogala noqday rukhsadii shidaal baarida, laakiin tobankii sano oo u danbeeyey Norway waxay ku dadaalaysay sidii Kenya ay uga caawin lahayd sidii shidaal loogu soo saari lahaa. (Akhri warbixintii Bashiir Sh. Maxamed).

Waxaase la yaab badnaa markii ay tiri Norway hadalkan, sida Somalitak.com horay u daabacday; June 11, 2010 ayaa Norway waxa ay sheegtay in ay Soomaaliya u samaynayso CABBIRKA aagga ganacsiga EEZ oo ah 200-mayl badeed, taas oo loo qaatay hirgelin arrintii ay DFKMG u ololaynaysey ee ahayd in badda Soomaaliyeed la yiraahdo malaha cabbir la yaqaan oo hadda ayaa loo samaynayaa.


Eeg Page 1-3 Signed (Read Here) ALSO Page 4-12 (Read Here) AMA qoraalka oo dhan ka akhri Halkan.

Arimahaas oo jira oo dhan, waxaa shacabka Soomaaliyeed layaab ku noqotay markii Dr. Cabdiwali Gaas oo ah Raysalwasaaraha DFKMG xiligan ee baddiisa loo socdo, uu ku daray qorshe loogu yeeray Road-Map in Soomaaliya qaadato EEZ, taas oo meesha ka saari lahayd Territorial waters oo ahaa xeerkii Soomaaliya u yaalay 40-kii sano ee lasoo dhaafay. Su’aashuse waxay tahay Dr. C/weli Gaas jawaab noocee ah ayuu kabixin doonaa xadgudubka Kenya?

Sidoo kale waxaa hadda kusoo biiray Faransiiska sida qoraalka aan kusoo bilownay oo Shirkada ka socota TOTAL ay bilowday iibinta Saamiyada 40% Shidaalka aagaas laga baarayo oo uu kujira Block L5 oo gudaha Soomaaliya ah.

Hadaba waxaa cad in dowladaha reer Yurub ka faa’iidaysanayaan Dowlad la’aanta Soomaaliya, (Meel ku gaar iyana isma aaminsana Dowladaha soo xadgudbayana ma’aaminsa) ama ay ka hor dhacayaan inta aan Dowlad rasmi ah ka dhalan Soomaaliya oo awooda inay hadasho oo wadankeeda iyo Qaranimmadeeda difaacato. Qorshahan shidaal baarista ee hadda soo baxay wuxuu leeyahay khatartiisa, waxaana waajib ku ah qof kasta oo muwaadin Soomaaliyeed ah inuu difaaco badda Soomaaliyeed. Taas macnaheedu ma’ahan inaan Kenya khayraadkeeda ka faa’iidaysan Karin ama Dhulbaddeedka shidaal kabaarin Karin, ee macnuhu waa inay dhulkeeda ku e kaato, darisnimadda iyo xornimmada/qaranimmada Soomaaliyana xaqdhowrto/ilaaliso, si Soomaaliyana intaas u ilaaliso.

Go’aankii Baarlamaanku Goormuu Sharci noqonayaa?

Waxaa muhiima markaan ka hadlayno arrinta badda inaan markasta dib u milicsano taariikhda arinkan, si ay noogu cadaato wadda ay ku socdaan Masuuliyiinta DFKM iyo in ay nagu siyaado waajib nimmada masuuliyada nasaaran inaanan cidna ku halayn, gaar ahaan Baarlamaanka Kumeelgaarka Soomaaliyeed arintan inuu si khaasa isaga xilsaaro ilaa uu soo afjaro.

Agoosto 1, 2009 ayaa baarlamaanka DFKMG si aqlabiyad ah heshiiskaas uga dhigay WAXBA KAMA JIRAAN. Go’aankaas baarlamaanka Soomaaliya muddo 8 bilood ah ayuusan soo dhaafin xafiisyada xukuumaddii Cumar C/rashiid iyo Sheikh Shariif, muddaddas kaddib ayaa loo gudbiyey QM. Waxaana u gudbiyey QM qaar kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka.

March 12, 2010 ayaa Qarammada Midoobey shaaca ka qaaday in heshiiskaas Is-fahamka aan la cuskan karin. Shacabka Soomaaliyeed oo heshiiskaas ka horyimina waxay arrintu ula muuqatay in ay dhammaatay.

Qoraalkii Qarammada Midoobay wuxuu u qoraa sidan;

  • The MOU has been rejected by the Parliament of the Transitional Federal Government Somalia, and is to be hence treated as non-actionable. Tarjumaad: “ Waxaa diiday MOU-gii (Heshiiskii Is-Afgaradka) Baarlamaanka Dowlada Fedaraalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan Karin”

Sida sharciga ah ee DFKM ugu qoran Dastuurka waa in  Madaxwaynaha uu saxiixo, kadib markii Baarlamaanku soo gudbiyo, kadibna u gudbiyo cida ay khusayso iyo hay’adaha fulinta, taasi weli dhicin (Oct 14, 2011), sababtana DFKM ayaa la waydiinayaa, la xisaabtan kaasna waxaa is leh Baarlamaanka.

Axdiga DFKMG, Qodobkiisa 36aad oo ku saabsan “SHARCI DEJIN”, waxa uu dhigayaa sidan:

  • 1. Marka Golaha Shacabka uu soo saaro sharci waxaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu u ansixiyo.
  • 2. Madaxweynahu labaatan iyo kow (21) maalmood gudahood, marka sharci loo soo gudbiyey si uu u ansaxiyo sida ku qeexan qaybta (1), waxaa uu u cadeynayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka in uu ogaaladay ama diiday sharcigaas.
  • 3. Haddii Madaxweynaha diido inuu ku ansaxiyo sharci la soo hordhigay afar iyo toban (14) maalmood gudahood, wuxuu qoraal tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay la tahay in dib loo eego si wax looga beddelo uu u gudbinayaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
  • 4. Golaha Shacabka wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynuhu ku soo celiyey iyadoo tixgelinaya faalada Madaxweynaha waxayna :
  • a) Ogolaanayaa soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax ka beddelay ama aan wax ka beddelin, kuna celinaya mar kale Madaxweynaha si uu u ogolaado, ama
  • b) Diidayaan soo jeedinta Madaxweynaha waxayna ansixinayaan sharcigii hore oo aan waxba laga bedelin iyadoo lagu meel marinayo cod bixin aan ka yareyn 65% xidhibaanada Golaha Shacabka taasoo Madaxweynaha ogolaan doono sharciga afar iyo toban (14) maalmood gudahood maalinta sharciga la soo gudbiyey.
  • 5. Faafinta sharci uu sameeyey Golaha Shacabka ma dhaqan geli karo ka hor inta aan Iagu daabicin faafinta rasmiga ah ee dowaladda.

Waxaa xusid iyo amaanid muddan Baarlamaanka Soomaaliyeed oo qaatay go’aan taariikhi ah, markuu waxba kama jiraan kasoo qaaday heshiisyadii lagalay intii dowladii dhexe ee Soomaaliya Burburtay 1991. Baarlamaanka oo niyada ku haya sida dowladu u gacan bidaxaysay go’aankii hore ee Baarlamaanka ayaa qodob sharci ah ka dhigay hirgalinta go’aamadaan, wuxuuna yiri sidan; 5. Xukuumad walba oo loo igmado howsha Dalka waxaa la farayaa in ay go’aankaan gaarsiiyaan dhamaman Dowladaha Deriska ah iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Jawaabta su’aasha kore waa arimahan soo socda;

1- Inuu Baarlamaanku waqti go’an u qabto DFKM dhaqan galinta go’aanada Baarlamaanku gaaro, gaar ahaan kan ugu danbeeyey ee Badda.

2- In hadii DFKM waajib keeda gudan waydo Baarlamaanku qaado talaabada xigta ee Dastuurku ‘u ogolyahay.

3- In Baarlamaaku DFKM waydiiyo sababta xadgudubka Kenya Dowladu warsaxaafadeed uga soo saari la’adahay, ama uga aamusantahay iyo in wax wada hadal ama cabasho ah DFKM u gudbisay Dowlada Kenya ee soo xadgudubtay.

4- In Baarlamaanku diyaariyo cidii ku dhacda khiyaamo qaran sidii loola xisaabtami lahaa, xil ha hayeen ama horey ha u qabteen e, waddanka ha joogeen ama dibadda ha uga maqnaadeen.

5- In Baarlamaanku arimmaha khuseeya Qaranimmada/Xoriyadda waddanka ay xiriir iyo wadahadal toosa ah kala yeeshaan cida ay khuseeyaan, gaar ahaan dhigooda, inta aysan abaadin/abaajin/duugoobin/laduudsin.

Ugu danbayntii waxaa Bahda SomaliTalk iyo anagoo ku hadlayna magaca Muwaadiniinta Soomaaliyeed u mahad celinaynaa Baarlamaanka Kumeelgaarka Soomaaliyeed, Go’aamadii Taariikhiga ahaa ee uu ka qaatay arrimaha la xiriira Qaranimmada iyo Xornimmada wadanka Soomaaliyeed, sida; joojintii heshiiskii MOU iyo joojinta xaydaynta cusub ee loo guuri lahaa Aaga gaarka ah ee dhaqaalaha (EEZ) lagana guuri lahaa haday hirgali lahayd Dhulbaddeed (territorial waters).

Sidaa si leeg waxaan ugu Mahad celinaynaa Admeral Farah Qare dowrka geesinimada leh ee uu ka qaatay arrinta badda, gaar ahaan waraaqdii uu shirkii Seychelles u qoray.

Sidoo kale Bahda SomaliTalk waxay u mahad celinaysaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay Difaaca Badda Soomaaliyeed dhamaantood. Gaar ahaan Saxaafada iyo Suxufiyiinta ka wax ka difaacay Badda Somalia Territorial Waters in uu yahay 200 mayl badeed.

SomaliTalk waxay dhammaan Muwaadinka Soomaaliyeed leedahay “Faanoole fari kama qodna” – Difaacidda Badda Soomaaliyeed ka seexad ma leh.

Lasoco qoraalada kale ee badda ee soo socda:

Eng. Maxamed Cali iyo Xasan Dhooye


Warning: count(): Parameter must be an array or an object that implements Countable in /home/vsabba/public_html/somaale.com/wp-content/themes/News/includes/single/post-tags.php on line 5
Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT