Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Khasaaraha ka dhashay dabeesha Puntland

Khasaaraha ka dhashay dabeesha Puntland

November 13
17:13 2013
PuntlandDuufaanta Puntland ayaa goysay waddooyinka qaar

Hay’adaha gargaarka ayaa weli isku dayayo inay gaaraan magaalooyinka ay sida weyn u saameeyeen duufaantii ku dhufatay Puntland.

Dabaylo xoogan oo ku dhuftay xeebaha bari ee Puntland, ayay dad badan ugu dhinteen.

Wararka kale ee la xiriira

Way adag tahay in la gaaro dhulkii dhibaatadu ka dhacday oo waxaa go’ay waddooyinkii iyo isgaarsiinta.

Gurmadkii ku baxay goobihii dhibaatadu ka dhacday ayaan weli gaarin dhulkii loogu tala galay, wadooyinka oo go’an awgeed.

Aabe qoyskiisa dhinteen

BBC-da ayaa la hadashay aabbe ay dhibaato weyn soo gaarsiisay dabeylahan iyo daadadkan, oo waxa uu ku waayay lix caruur ah iyo xaaskiisa, iyo inta badan xoolihii uu lahaa.

Axmed Xasan Ismaciil, ayaa sheegay in deegaanka uu dagay ay ku dhinteen ugu yaraan 25 ruux.

Cabdiqaadir Siciid Cabdiraxman oo ah guddoomiyaha degmada Dangoroyo, ayaa sheegay in ugu yaraan 20 ruux ay degmadooda ku dhinteen.

Laanqeyrta Cas

Fadumo Cabdullahi, oo ah madaxa isgaarsiinta ee hay’adda Laanqeyrta Cas ee ICRC Somaaliya, ayaa BBC-da u sheegtay in ay koox u direen goobaha ay musiibada saamaysay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa musiibada ku dhufatay xeebaha Puntland u aqoonsatay musiibo qaran, waxaana ay sheegtay in ay guddi u dirayso goobaha ay musiibada haeleeshay, ayna ku deeqeyso lacag dhan hal milyan oo dollar.

Madaxweynaha Puntland ayaa horey u sheegay in dhimashadu kor u dhaafaysa 100 ruux.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT