Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Khilaafkii U Dhaxeeyay C/raxman Faroole Iyo Musharaxiinta Puntland Oo Cirka Isku Shareeyay dhageyso

Khilaafkii U Dhaxeeyay C/raxman Faroole Iyo Musharaxiinta Puntland Oo Cirka Isku Shareeyay dhageyso

December 17
20:27 2013

Magaalada Garoowe  waxaa Labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen musharixiinta u tartamaya hoggaanka Puntland, iyo Isimada Puntland oo iyaguna shirar ku yeelanayey magaalada Garoowe.

Shirarkaas ayaa looga hadlayey sidii la isku fahamsiin lahaa musharixiinta mucaaradka ah iyo madaxweyne Faroole oo isku khilaafsan guddi uu dhawaan Faroole u magacaabay soo xulidda Baarlamaanka cusub iyo xalinta qilaafaadka.

kulan ay maanta madaxtooyada Garoowe ku yeesheen musharixiinta iyo madaxweynaha Puntland ayaa is faham la’aan ku soo dhamaaday, kadib markii uu madaxweyne Faroole ka biyo diiday inuu ka laabto go’aankii uu ku magacaabay guddigaas, halka musharixiintuna ay ku adkaysteen haddii uusan Faroole go’aankaas ka laaban in aan wax doorasho ah ka dhici doonin Puntland.

markii lagu soo kala tegey shirka kadib ayaa waxaa saxaafadda la hadlay Afhayeenka musharixiinta Puntland Cali Xaaji Warsame, oo ka hadlay go’aanno ay musharixiintu isla qaateen iyo waxyaabaha la isku fahmi la yahay.

Madaxweyne Faroole oo isna dhankiisa saxaafadda la hadlay ayaa ka warbixiyey is faham la’aanta u dhaxeysa isaga iyo musharixiinta, isagoo ku adkaysay inuu ku saxanyahay magacaabista guddiga soo xulidda baarlamaanka. farooooole

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT