Something went wrong with the connection!

Somaale.com

Kooxda Twin City Stars oo ku guuleystay koobkii tartanka Spring Break

Kooxda Twin City Stars oo ku guuleystay koobkii tartanka Spring Break

Kooxda Twin City Stars oo ku guuleystay koobkii tartanka Spring Break
April 08
21:43 2012

[nggallery id=3]Columbus,Ohio : Waxaa galabta isga horyimid ciyaarti  kama danbeysta ee koobkii loogu magac daray alla ha u naxariistee gudoomiyihii kubadda cagta iyo Gudoomiyihii Olympiga ee Somaliya, Adan Xaji Yabaroow “Wiish” iyo Saciid Moxamed Nur “Mugaambe” ee dhawaan lagu dilay magaaladda Mogadishu oo usbuucan ka socday garoonka kubadda cagta ee magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa waxaa usoo baxay ciyaartii ugu danbeysay labadii koox ee ugu firfircooneeyd ee kala ee  ahaa Twin City Stars iyo TSS-Tenn,  kadib markii  ay ku soo durduriyeen  kooxahaWashington DC iyo Ohio.

Kooxda Twin City oo daqiiqadihii ugu horeeyay ka gacan sareysay kooxda TSS-TENN ayaa ku hormaray golkii ugu horeeyay, wax yar kadib waxaa markiiba ka dhigay bar bardhac kooxda  TSS-TENN . Ciyaarta oo aad ay uga soo qeybgaleen dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa lagu kala baxay qeybtii kowaad  1 iyo1.

Ciyaarta qeybtii labaad ayey aad ula soo baxeen kooxda TSS-TENN firfircooni dheeraad ah oo ay markiiba goal gundhada u dhigeen kooxda Twin City oo ay 2 iyo 1 noqdeen.  Wax ka yar daqiiqad ayeey markiiba kooxda Twin City ka dhigeen barbar dhac, oo hadana saddexeeyeen oo ay ciyaartii noqotay 3-2 oo Twin City ku gacan sareysay qeybtii labaad oo dhan, waxa ay hadana goolkii afaraad shabaka u dhigeen TSS-TENN daqiiqadii ciyaarta u danbeysay oo halkaas ay guusha ku raacday  TWIN CITY of Minnesota 4vs 2. Waxa amaan mudan laba tababare ee Twin City Stars Mohamed Carab iyo Abdi Shukri  iyo Tababaraha TSS-TENN

Cise Mohamed “Cise Jabuuti” oo ayaa si weyn loogu ammaanany sida wanaagsa ee uu u soo diyaariyey cayaatoyda da’da yar oo halkaas ku soo bandhigay ciyaar ay asluub ku dheehantahay.

Share

About Author

Idaawaqaca

Idaawaqaca

Related Articles

0 Comments

No Comments Yet!

There are no comments at the moment, do you want to add one?

Write a comment

Write a Comment

SOMALI CARTOON BY AMIINARTS

SOMALI RADIO STATIONS

--------------------------BBC SOMALI--------------------------

BBC-Somali 07:00 BBC Somali 11:00

BBC Somali 04:00  BBC-Somali 06:00

--------------------------VOA SOMALI--------------------------

VOA-Subaxnimo

VOA-Galabnimo

VOA-Fiidnimo

Mogadishu

Hargaisa

SPEAK TO SOMALI CONFLICT